Dowladda Ghana Oo Ciidan Booliis Ah U Soo Diraysa Soomaaliya.

0

ghana special forceMuqdisho (AGGM): Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM) ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu soo biirin doon 90 askari oo boolis ahoo ka socda dalka Ghana si loo xoojiyo dadaallada nabadda ee ka socda  Soomaaliya.

Ciidankan oo ku tababaranayay xarunta tababarka caalamiga ee nabad ilaalinta Kofi Anan ee dalka Chana ayaa lagu wadaa in 25 ka bishan loo soo xiro tababarka, kaasoo uu maalgalinayo xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka oo kaashanaya wakaaladda iskaashiga caalamiga ah ee dalkaas.

Madaxa tababarkan Fanny Aboagye ayaa sheegtay in laba toddobaad illaa bil lagu wado in ciidanka lagu geeyo Soomaaliya, si ay u xoojiyaan dadaallada nabadda iyo horumarka ee hadda ka socda Soomaaliya.

Waxay xustay in ciidanka la siinayo tababar ku saabsan dhowrista xuquuqda, wacyigelinta dhibaatada miinada iyo taageerada nolosha aasaasiga ah.

Dowladda Nayjeeriya ayaa horray ciidan boolis ah u geysay Soomaaliya, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya  dib loogu soo dabbaallo nabad iyo xasillooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com