Dhagayso: Isbatoore Fartaag Oo Afka Furtay”Beelo Dagaalsan Majiraan Goboladda Jubbooyinka”.

0

gen.-fartaag111Kismaayo (AGGM): Isbatoore Fartaag oo u waramayay mid kamid ah weriyeyaasha xamar jooga balse isqariya unna heeysta inaan la ogeeyn qofka uu yahay ayaa waxa uu sheegay in Jubbooyinka beelo dagaalsaneen ee ay dagaalsan yihiin siyaasiyiin.

Haddaba su’aasha isweeydiinta mudan ayaa waxa ay tahay sida uu sheegay Isbatoore Fartaag hadaan beelo dirirsaneen waayo cida  dadka leeysay, Haweenka kufsatay, barakicisay islamarkaana dhacday hantida dadka rayidka ahaa, dumisay guryihi dadku sida gaarka ah u lahaayeen? haddiise ay siyaasiyiintu dirireen oo aysan beelo diririn Isbatoore Fartaag ma isagaa dadka laayay, barakiciyay dhacayna hantida dadka ileen siyaasi buu sheeganayaa goobjoogna ayuu ka ahaa dambiyadaas marki ay ka dhacayeen magaalada Kismaayo.

Sida muuqata Isbatoore Fartaag ayaa waxa uu dhabarka u ritay dambiyada ka dhacay magaalada Kismaayo iyada oo ay goobjoog yihiin raggii geeystay dambiyadaas.

Bal nala dhageeyso caqliga foorara ee isbtoore Fartaag iyo weriyaha su’aalaha weeydiinaya isagoo isqarinaya unna heeysta inaan la ogeeyn qofka uu yahay.

Halkaan Guji Kana Dhageeyso Wareeysiga Isbatoore Fartaag

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com