Danjiraha Soomaaliya U Fadhiya Dalka Kenya Oo Beeniyay Warar Ay Daabaceen Warbaahinta Dalka Kenya.

0

cali-ameeriko-safiirkaNairobi (AGGM): Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa  si kulul uga hadlay warar ay qoreen warbaahinta dalka Kenya oo ku saabsan iney xeryaha qaxootiga ka yimaadaan dadka falalka amni xumo ka geeystay gudaha magaalooyinka dalka Kenya.

Danjire Maxamed Cali Nuur Ameerika ayaa beeniyey in dadka Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga kenya ay lug ku leeyihiin weerarada ka dhaca gudaha  dalka Kenya,wuxuuna tilmaamay in laga been abuurayo.

Isaga oo sii wata hadalkiisa ayuu Danjiraha wuxuuna sheegay in qaxootigu ay yihiin dad naftooda dhibaateysan isla markaane loo geysto dil dhac iyo kufsi intaba aysane wax lug ah ku lahayn eedeymaha loo jeedinayo ee la xiriira iney qayb ka yihiin amni xumada ka jirta dalka Kenya.

Safiirka  ayaa ku dooday in qaxootiga Soomaaliyeed ay yihiin dad masaakiin ah oo ka cararay dhibaatada dalkooda ka jirta wuxuuna wax aan dhici karin ku tilmaamay in lagu eedeeyo iney dhibaato wadaan xilli ay iyagu dhibaato dalkooda uga soo carareen.

Danjire Cali Ameerika ayaa  sheegay inuu kala hadlay dowladda kenya inaan la dhibaateyn qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda martida u ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com