Ciidamada Booliiska Ee Magaalada Jowhar Oo Gacanta Ku Dhigay Hub iyo Walxaha Qarxa.

0

Boolis1Jowhar (AGGM): Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya gacanta ku soo dhigeen hub iskugu jira Walxaha Qarxa iyo Risaas iyo qorya nuuca AK47 u badan.

Howlgalo si wada jir ah ugu qaadeen Xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar Booliiska ayaa la sheegay in Ciidamada guri ka mid ah Xaafada laga helay Hub iyo walxaha Qarxa waxana booliiska sheegeen in gurigaa uu ahaa mid laga soo abaabulo weerarada Alshabaab gaysato.

Afhayeen Booliiska Jowhar u hadlay ayaa sheegay in hubkaan iskugu jira nuucya kala duwan sida Bambaanooyinka Gacanta laga tuuro Waxyaabaha Qaraxa laga sameeyo hubka garabka lagu qaato  ay dhaman hubkaas la wareegeen Booliiska.

Ciidamada ayaa xiray sidoo kale dad la aaminsan yahay in ay hubkaa gurigaa ku keediyeen oo la aaminsan yahay in xariir la leeyahiin Ururka Alshabaaab waxaana dadkaa lagu hayaa Saldhiga Magaalada Jowhar halkaa oo baaritaano uga socdaan.

Maamulka Degmada Jowhar ayaa arintaa ku tilmaamay guul soo hoyatay waxa uuna Maamulka sheegay in wali jiri karaan gurya kale oo hub nuucaan ah ku aasan yahay balsa baaritaano guri guri ah samayn doonaan si loo soo saaro waxyabaha ku jira.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com