Xaalada Caafimaad Ee Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde Oo Soo Wanaagsanaatay.

0

dh1Muqdisho (AGGM): Xaalada caafimaad Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde ayaa ka soo reyneysa, iyadoo dhaqaatiirta ay rajo fiican ka muujinayaan xaaladiisa, kadib labo qaliin oo shalay lagu sameeyay.

Aabaha dhalay wariyaha Maxamuud Tima Cadde oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in wiilkiisa xaaladiisa ay wanaagsan tahay, isla markaana shalay siduu ahaa iyo hada aanu isku mid aheyn.

“Xaaladiisa aad ayay u wanaagsan tahay, dadka u imaanaya wuu aqoonsanaya, kaliya qoorta ayaa u daran oo meeshaas ayaa xabad laga soo saaray, inta kale waa uu wanaagsan yahay”ayuu yiri.

Wariyeyaal fara badan ayaa u gurmaday, iyagoo dhiig u shubay, waxaana ay Alle ka baryeen in xaaladiisa ay wanaagsanaato.

Xabadaha ku dhacay ayaa ahaa ilaa lix xabadood oo qeybaha sare jirka ay kaga dhacday, markii dabley hubeysan oo gaari watay ay rasaas ku fureen gaarigii uu watay, xilli uu gurigiisa ka soo baxay.

Laamaha ammaanka dowladda ayaa wali ka hadlin, iyadoo aanay cidna u soo qaban dilkaas, hase ahaatee madaxda dowladda ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaas lagu dhaawacay Wariye Tima Cadde.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com