Tahriibayaal Soomaali & Itoobiyaan Isugu Jira Oo Ku Dhibaateysan Xadka Yeman & Sacuudiga.

0

TAHRIIBTahriibayaal isugu jira 1,500 oo Soomaali ah & 25,000 oo Ethiopia ah, ayaa ku dhibaateysan xadka u dhaxeeya dalalka Yeman iyo Sacuudi Arabia, kuwaas oo aan haysan hooy iyo cunto, kadib markii ay ku guul dareyteen ineey u tallaabaan dhanka Sacuudiga.

Qunsulka Xigeenka Safaarada Soomaaliya, Xuseen Xaaji Axmed oo VOA u waramayay, ayaa sheegay in dhibaatada dadkaas haysata ay soo ogaadeen Hay’ado qaabilsan dhanka Xuquuqul Insaanka oo qaarkood laga leeyahay dalka Yeman.

Qunsul Xigeenka ayaa sheegay in Hay’adahaas ay soo mareen Xadka dhirirsan Yeman iyo Sacuudiga, islamarkaasna ay halkaas ku soo arkeen Qaxooti farabadan oo isugu jira Soomaali iyo Ethiopian kuwaasoo dhibaato aan la qiyaasi Karin halkaas ku haysata.

Hay’adaha amaanka dalka Sacuudiga ayaa waayadii danbo aad u I laaliya dadka sida sharci darada ah kaga soo talaaba xadka Yeman, waxaana jirta in dhowr mar ay soo celiyeen Tahriibayaal isku dayay ineey u gudbaan dhankaas.

Sidoo kale Hay’adaha halkaas booqday ayaa so tabiyay in ay jiraan dad Tahriibayaal ah oo Burcad Yeman u dhalatay ay Afduub ahaan u haystaan, kuwaasoo ka raba lacago madax furasho ah.

Majiro wax talaabo ah oo ay qaaday doowlada yeman iyo Hay’adaha u dooda Xuquuqul aadanaha oo wax loogu qabanayo dadkaas Qaxootiga ah eek u dhibateysan Xadka kala qaybiya Sacuudiga iyo Yeman.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com