Qaar Ka Mid Ah Iskuulada Muqdisho Oo laga Mamnuucay Taleefonada Gacanta (Mobile-ka).

0

mobile-translationMuqdisho (AGGM): Waxaa jirta dhibaato sii kordheysa oo ku aadan isticmaalka Taleefonada gacanta kuwaasoo si waalan ay u qaataan ardayda wax ku barta Iskuulada, taasoo keentay in ay ka mashquuliso waxbarashadooda.

Haddaba qaar ka mid ah Iskuulada ku yaalla Muqdisho ayaa laga mamnuucay Isticmaalka Taleefonada gacanta ee Mobailka, waxaana Iskuuladaas ka mid ah Hooyga Xamar ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha BBC-da ee Mogadishu, Mohamed Ibrahim Mollimo oo warbixintan soo diray saakay, ayaa leh Iskuulka aan booqday ee Hoyga Xamar waxaan ku arkay gidaaradiisa tusmooyin muujinaya in ardayda laga mamnuucay taleefonada gacanta.

Agaasimaha Iskuulka Hooyga Xamar Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud,oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in sababta keentay in la mamnuuco taleefonada ay yihiin kaddib markii ay bateen ardayda oo ku wata taleefonka wax yaabo xun-xun.

“Mobailka waxaad arkeysaa in ardayda ku wataan wax yaabo xun oo laga baranayo akhlaaq darro-xun, sidoo kale iyagoo fadhiya Fasalka ayey adeegsanayaan aaladaha lagu xiriirro oo ay ka mid yihiin:- What is up, Facebook, Nimbuzz , Tweeter, My Space iyo kuwa kale oo badan, ardayga marka waxbo ma faa’ideesanayo intii ay waxaas ku jiraan” ayuu yiri maamulaha iskuulka Hooyga Xamar.

Qaar ka mid ah ardayda laga mamnuucay Taleefonka ayaa sheegay in ay jeclaan lahaayeen in loo oggolaado maadama waalidkooda ay la soo xiriiraan marka ay dhibaato dhacdo waayo magaalada Muqdisho waxaa mar kasta ka dhaca qaraxyo iyo shilal aad u xun.

“Magaceygu waa Sahro Cali Kullane, waxaan ka mid ahay gabdhaha isticmaalla Mobailka, anniga markasta ma isticmaalo balse gabdho badan oo isticmaall ayaa jirra” ayey tiri.

Wiil taageersan in ardayda taleefoonada loo oggolaado.

Wiilkan wuxuu ka mid yahay ardayda isticmaasha taleefonka gacanta, wuxuu lee yahay waalidkeena  waxa ay qabaan Sonkor iyo dhiigkar markii ay wax dhacaan waa ay na soo wacaan”

Waxaa jirra arday badan oo isku dhaafsada fariimaha inta lagu jirro xiisada.

Isku soo duub, waxaa hadda Iskuulada laga mamnuucay taleefonada loo yaqaano Smart Phone (Caaqilka)  iyo kuwa Memoriga leh  iyadoo loo oggolaaday kuwa raqiiska ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com