Museveni Oo La Ilmeeyay Heerka Uu Gaaray Musuq Maasuqa Ay Ku Kaceen Saraakiisha Ciidamadiisa Ku Sugan Soomaaliya.

0

MALTA COMMONWEALTH MEETINGKampala (AGGM): Wargeyska Monitor ee kasoo baxa dalka Uganda, ayaa daabacay in M/weynaha dalkaas Yuweri Museveni oo ilmeeyay, kadib markii uu mid mid u wareystay Ciidamo kasoo laabtay howlgalka Soomaaliya, kuwaasoo M/weynaha siiyay xogta dhabta ah ee ay ku noolaayeen markii ay ku sugnaayeen Soomaaliya.

Madaxweyne Musevi  ayaa ku baraarugay arrimo dhowr ah o la xiriira AMISOM, kaddib markii uu  kulan xog wareysi ah askartan kula qaatay dugsiga tababarka ciidamada ee Singo ee  degmada Nakaseke, isagoo dhammaan saariishada ciidanka ka codsaday inay ka baxaan hoolka shirka, si uu ciidanka uga helo warbixin buuxda oo la xiriirta noloshooda, qaabkii ay u dagaalami jiree, hogganka ciidanka iyo mushaarkii ay qaadan jireen.

Askartan ayaa madaxweynaha ka ilmeysiiyay, kaddib markii ay u sheegeen inay marar badan ay la dagaaleen ciidanka ay AL-shabaab iyagoo gaajeysan, isla markaana waxay cunaan aan heysan, mararka qaarna loo keeni jiray raashin uraya oo la kariyay dhowr maalmood ka hor , “Taliyaashu waxay suuqyada ka soo iibsan jireen cunto macaan oo nadiif ah, inagana waxay nagu qasbi jireen inaan cunno mid ureysa” ayay madaxweynaha u sheegeen askar ka tirsan guutada 45-aad ee ciidanka Uganda.

“Gaadiidka dagaalka ee aan xabadu karin looma isticmaali jiran dagaalka Al-shabaab, waxayna taa bedelkeeda ay jidadka Muqdisho u mari jireen (dadku ha idin arkaa iyo is tus-tus), waayo shidaalkii ay ku dagaallami lahaayeen waxaa iibsadn taliyaasha” ayay  u sheegeen madaxweyne Museveni.

Wargeyska Monitor, ayaa sidoo kale daabacay in Ciidankan oo mid-mid madaxweynaha ugu waramaya ayaa sheegay inay taliyasha ciidanka AMISOM ula dhaqmi jireen sidii mucaarad oo kale, waxayna sheegeen in laga musuq-maasuqay  mushaaraadkooda iyo gunnooyinka loo soo saxiixay.

“Ilaa bishii September ee sanadkii hore ma aynaan helin gunnoyinkeenii, haddii aan weydiino taliyasheena waxay noogu jawaabi jireen handadaad ah in dib naloo celinayo haddii aan mar dambe  kala hadalno arrinta mushaarka” ayuu yiri askari magaciisa la qariyay oo ka tirsan ciidanka difaaca cirka.

Museveni oo xanaaq daraadiis indha isku haya, ayaa indhaha kala furay markii askari kale  oo ka tirsan ciidanka lugta uu u sheegay in taliyaasha ciidanka ay hubka iyo rasaasta ka iibiyaan dadka shacabka ah ee  Soomaaliyeed, taas oo ay xitaa dhici karto inay ka mid yihiin wakiilo u shageeqa xarkada alshabaab, kuwaas oo ciidanka UPDF ay dagaa kula jiraan.

Askarta ayaa sheegay in xilligan ka hor aysan su’aalaha iyo warbixintan soo bandhgi karin, iyagoo sheegay inay aaminsanaayeen in madaxweynuhu ka war hayo dhibaatada heysata ciidankiisa.

Sida ay qortay jariidada Monitor, eraygii ugu horeeyay ee Museveni ka soo yeera  kaddib markii uu  dhageystay warbixinta wuxuu ahaa;

“Waan ka xumahay wax kasta oo idinku dhacay intii aad joogteen halkaas (Somalia), arrintan hada ayaan ku  baraarugay, waxaana idinka ballan qaadayaa inaan wax ka qabanayo khaa’iniintii magaca Uganda dhulka ku jiiday”

Warbixita ay heshay jariirada Monitor ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynuhu uu ciidankiisa uga mahadceliyay faah-faahinta dheeriga ah oo ay ka siiyeen howlgalka AMISOM ee Somalia, wuxuuna sheegay in xitaa laamaha sirdoonka uusan weli ka helin warbixin nuucan oo kale ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media