Dhagayso: Nabadoon Xaad “Raaskamboni Dhibaato Ayay Ku Hayaan Dadka Reer Kismayo”

0

Nabadoon XaadKismaayo (AGGM): Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay wali dhibaato ku hayaan Shacabka Magaalada Kismaayo, Arrimaha Jubooyinkuna Ay Caqabad ku yihiin Dawladda Soomaaliya.

Nabadoon Xaad ayaa Waxa uu sheegay in ciidamada Maleeshiyada Raakambooni ay Wakhti kasta dhibateeyaan Bulshada Kunool magaalada kismaayo isla markaasna ay ka Hor istagaan Ganacsiga “Raaskambooni Dhibaato Xoogan Ayay Dadka ku Hayaan, Dadka Waa la Qafaashaa”.

 

Halkan Guji Kana Dhageyso

 

Isku soo wada duuboo Nabadoonka ayaa sido kale so dhaweeyey Wada hadalka dhawaan ka furmaya magaalada Muqdisho iyo wadahadalada Dowladda iyo Maleeshiyada Raaskambooni ayna Donayaan Nabad balse wuxuu sheegay in Dhibaato ay Kawadan Kismaayo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo horjooge Axmed Madoobe.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com