Dhagayso: Axmed Madoobe Iyo Fartaag Oo Jahwareer Ku Dhacay Iyo Durababa Iyagoo Bilaabay Inay Taahaan.

0

madoobe iyo fartaagDowlada iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxay heshiis ku gaareen magaalada Kismaayo kaasi oo qodobada ugu muhiimsan ay ahaayeen ka qeybgalka Shirka Muqdisho iyo dib usoo celinta ciidanka fadhiya deegaanka Goobweyn ee uu Col, Barre Hiiraale wato.

Waxaase durba soo baxay in horjoogeyaasha maleeshiyada Raaskambooni ee kala ah Axmed Madoobe iyo Gen, Fartaag oo ku jahwaeersan arrinta ciidanka soo galaya magaalada ee uu hogaaminayo Col, Barre Hiiraale kadib markii madaxda dowlada ay ku noqdeen Muqdisho.

Abdiqani Abdi Jama oo ah lataliyaha horjooge Axmed Madoobe ayaa isaga oo  jooga magaalada Nairobi wareysi waxa uu siiyey warbaahinta BBC SOMALI waxaana uu sheegay in ciidanka Col. Barre Hiirale isa soo dhiibaan, iyaga oo waliba ah boqol boqol kadibna la baari doono.

Hadalkiisa isaga oo sii wata ayuu sharaxaad ka bixiyey qaabka ay ciidankaasi Kismaayo ugu soo noqon karaan oo ku ku tilmaamay nidaam isa soo dhiibis ah .

Halkan Guji Kana Dhageyso Lataliyaha Axmed Madoobe.

Dhinaca kale waxaa isna wareeysi siiyay warbaahinta K24 Sharmarke Abdilaahi oo ah afhayeenka Gen, Fartaag ayaa waxuu yiri “Walaahi ninyahow BBC-da waan ka dhageystay saaka nin ka hadlay arrintaas,mana garanayo aniga darajada uu ku hadlayey, waxa uu ka hadlay ee ah in ciidanka boqol boqol isku soo dhiibayaan waa arrin uu isaga jeebkiisa kala soo baxay. Wax ay dowlada iyo maamulka Juba ku wada hadleyna ma ahan. Waxaana filayaa inuu joogo Nairobi oo ma ahan nin hadda Kismaayo nala jooga iyo goobta shirku ka socday.” Ayuu yiri Sharmarke Abdilaahi afhayeenka Gen, Fartaag.
“Dowlada, Maamulkeena iyo wafdiyada kale ee shalay yimid waxay dhamaantood isla qabaan in ay soo galaan magaalada ciidanka Goobweyn fadhiya oo ay ka mid noqdaan ciidamada kale ee magaalada jooga, Waliba loo sameyn doono soo dhaweyn ballaaran.

 

Halkan Guji Kana Dhageyso Afhayeenka Fartaag

 

Kooxaha taageera maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo horjoogeyaashooda ayaa waxa ay caan ku yihiin, Beenta, Baryada iyo Adkeeysi la’aanta, waxaad beryahan ka dhageeysanayseen Idaacadaha ayaa dhamaantood waxa ay ahaayeen Taaha ay durbaba bilaabeen maleeshiyada iyo horjoogeyaashooda, Soomaalida ayaa waxa ay kuu maah maahdaa “Dhubuq Dhubuq Hore Dhabana Hays Danbey Leedahay” ku soo dhawaada Ciyaarta Kismaayo oo ninkaan aqoon isqadimo.

Isku soo wada duuboo labadaasi wareeysi ayaad waxaad ka dheehan kartaan sida ay u jahwareersan yihiin maleeshiyada Raaskambooni iyo Horjoogeyaashooda, warka ay maalin walba saxaafada u soo gudbiyaan ayaa waxa uu la mid yahay midkan aad wada dhageesateen, Soomaalida ayaa waxa ay ku maah maahdaa (Laba Kala Bariday Kala War La’a) anagoo taa ulla jeedna Ciidamada Col. Bare Hiiraale waxa hubaal ah in maanta ay ka quwad badan yihiin maleeshiyada  ay hogaamiyaan Axmed Madoobe iyo Fartaag, waxaa hubaal ah haddii leeysu daayo oo aan la soo dhexgalin Ciidamada Col. Bare iyo maleeshiyada Horjooge Axmed Madoobe 35 daqiiqo oo kaliyaah  in lakala ogaan lahaa cida isa soo dhiibeeysa iyo cida ku joogta Xiniinyo aysan lahayn magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com