Ciidamada Amaanka Kenya Oo La Soo Dhoobay Magaalada Mombasa.

0

mombasaMombasa (AGGM): Dowlada Kenya ayaa ciidamo badan oo Boolis ah u daad gureysay magaalada Mombasa ee dalka Kenya halkaasi oo muddooyinkaan dambe ay kusoo kordheen dilalka loo geysanaya dadka ku halkaasi.

Labo ruux oo heysta diinka Karishtaanka ayaa la sheegay in lagu dilay weeraro kala duwan oo ka dhacay magaalo xeebeedka dalka Kenya, sida goobjoogayaal ay sheegeen, labo todobaad kadib markii la dilay wadaad muslim ah oo ku sugnaa xeebta Mombasa.

Charles Matole, oo ah hogaamiyaha kaniisad ku taala Mombasa ayaa la sheegay in meydkiisa laga helay kaniisada isagoo ku fadhiya kursi heystana Buuga Bible-ka, sida wararka lagu helayo.

“Waxaan helnay isagoo dhiig badan kaga yaalo madaxa”sidaasi waxaa dhahay Morris Cali oo isku xubin ay ahaayeen ruuxa la dilay.

Dowlada Kenya ayaa ku eedeysay inay ka dambeeyaan dilalkaasi Al-Shabaab maadaama dagaalo ay kula jiraan ciidamadooda ku sugan dalka Soomaaliya, mana jiro wax war ah oo Al-Shabaab kasoo baxay.

Wadaadka ayaa la sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay uu la kulmayay fariimo colaad loogu hanjabayay in la dili doono, isaga.

Sidoo kale dilka wadaad kale oo heysta diinka karishtanka ayaa lagu dilay meel duleedka ka mid ah magaalo xeebeedka Kenya ee Mombasa, lamana oga cida ka dambeysay dilkiisa.

magaalada Mombasa waxaa saameeyay qalalaasaha dilalka ku salaysay, horaantii bishaan ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay dileen afar ruux oo uu kamid ahaa wadaad Muslin ah oo lagi magacaabo Sheikh Ibraahim Ismaaciil.

waxaana dilka wadaadka muslimka ka dib ka dhacay magaalada banaanbaxyo waaweyn, iyadoo ay isku dhaceen ciidamada booliska iyo dadka kale, waxaana goobta ku dhintay afar kamid ah banaanbaxayaasha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com