Beelo Lagu Heshiisiiyey Magaalada Caabudwaaq.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Shir lagu heshiisiinayey beello wada dega degmada Caabudwaaq iyo deegaannada deriska la’ah ee gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey degmadaas.

Shirka oo socda muddo shan maalmood ah, ayna qabashadiisa ka dambeysay hay’adda cilmi baarista iyo wada-tashiga ee CRD ayaa lagu gaaray heshiis ku saleysan is-afgarad iyo soo afjaridda shaqaaqo u dhexeysay labada beelood, taasoo salka ku heysay dilal aanooyin qabiil la xiriira.

Beelaha ayaa ku heshiiyey in la iska cafiyo wixii horay u dhacay, in la xoojiyo deris wanaagga iyo wada-noolaanshaha dadka walaalaha ah.

Waxay kaloo iska dhex-magacaabeen guddi labada dhinac ka socda oo loo xilsaaray dhameystirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska.

Madaxa arrimaha bulshada ee maamulka degmada Caabudwaaq Khaliif Cabdisamad Cali oo u warramay Warbaahinta ayaa guul ku tilmaamay heshiiska, wuxuuna u mahad celiyey cid kasta oo gacan ka geysatay in beelahaas ay is-afgarad gaaraan.

Wuxuu dhinacyada heshiiyey ugu baaqay in ay wadajir uga hortagaan wax kasta oo abuuri kara colaad soo noqota.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com