Annadif “Wariyeyaashu Waa In Ay Helaan Amni Ay Ku Shaqeeyaan”

0

maxamed saalax annadifMuqdisho (AGGM): Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mahamet Saalax Annadif ayaa mar kale ku celiyey in howlgalka AMISOM uu dowladda federaalka ee Soomaaliya gacan ku siinayo sidii ammaanka iyo badqabka wariyeyaasha Soomaaliyeed loo ilaalin lahaa.

Annadif oo cambaareeyey isku day ah oo uu shalay ka badbaadayey wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo ka tirsan Universal TV ayaa sheegay in AMISOM ay diyaar u tahay in ay dowladda ka caawiso sidii loo joojin lahaa tacaddiyada iyo weerarrada ka dhanka ah suxufiyiinta.

Wuxuu ka dhawaajiyey in loo baahan yahay in warbaahintu hesho amni ay ku shaqeyso si ay dadka Soomaaliyeed ugu soo gudbiso macluumaadka iyo hormarrada dalka ka jira.

Ergeyga Midowga Afrika ayaa ammaanay doorka saxaafadda, isagoo ku boorriyey in aysan howlahooda hakin cabsi gelinta iyo weerarrada lagu hayo.

Shan wariye ayaa lagu dilay sannadkan Soomaaliya, iyadoo lagu tilmaamo mid kamid ah meelaha ugu khatarta badan ee ay warfidiyeennadu ka shaqeeyaan caalamka oo dhan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com