Madaxweyne Xasan “Waa In Sharciga La Horkeeno Cidii Isku Daydey Inay Disho Wariye Timocadde”.

0

madaxweyne-xasan2Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey falkii isku dayga dilka ee loo geystay Wariye Maxamed Maxamud Timacadde oo u shaqeynayey Universal TV, isla markaana hay’adaha amniga ku amray in sharciga la horkeeno cidii isku dayga dil u geystay Timacadde oo haatan isbitaal ugu jira dhaawacii ka soo gaaray falkaas arxan la’aanta ah.

Madaxweynaha ayaa yiri ” Waa in sharciga la horkeeno cidii isku daydey inay disho wariye Timocadde. Maamulka Universal TV, shaqaalaha iyo dhammaan bahda saxaafadda waa inaad sii labo jibaartaan howlaha muhiimka ah ee aad ummadda u heysaana, si loo tuso kooxahan dhagar qabayaasha ah inaysan marnaba ku guuleysaneynin inay aamusiyaan saxaafadda. Waxaana EEBBE ka baryayaa inuu dhaawaca u sahlo Timocadde si uu si dhaqso leh uga soo kabto dhaawacii saakay ka soo gaaray isku daygii dilka ee kooxaha nabad diidka ah ay marwalba doonayaan inay caalamka tusaan in Soomaaliya aysan nabad aheyn.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii yiri “Looma dulqaadan doono falalka sida tooska ah loogu raadsanayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, dowladdana waxaa ka go’an in maxkamadda la soo hortaago cid allaale iyo cidii lagu helo inay ka danbeeyaan falalka noocan oo kale ah.”

-DHAMAAD –

Isha Ku Hay Allgalgduud Media
allgalgaduud@gmail.com