Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Qadyaan Ka Jooga Saxiixyo Iyo Dukumentiyo Been Abuur Ah.

0

ilkaxanafMuqdisho (AGGM): Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Avv. Ceydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf ayaa qaati iyo jahwareer ka muujiyay muranada la xiriira dhulka ee ka taagan magaalada Muqdisho, kaasoo mudooyinkii u dambeeyay kiisaska ugu culus ee ay u fariisato Maxkamada.

Ceydiid Ilkaxanaf oo ka qeyb galayay Barnaamijka dood ahaa oo shalay oo jimco aheyd ka baxayay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay inay caqabad ka taagan tahay muranada ku saabsan dhulka, isagoo ku sifeeyay inay ugu wacan tahay Documentiyo been abuur ah oo la sameysto.

“Wali waa kari la’nahay waa dhibaato, documentiyada been abuurka waxaa lagu sameeyaa Cabdalla Shideeye Bakaaraha, hadana wey firdheen meelo badan iyo shirkado kale ayaa sameeya”ayuu yiri Ceydiid Ilkxanaf.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ayaa sheegay in isaga saxiixiisa la sameeyay oo la been abuuray, isla markaana ay ku jiraan saxiixyo kale oo ah kan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda kale.

“Saxiixeyga ayay sameeyeen, kii Madaxweynaha ayay sameeyeen iyo kii Ra’iisul Wasaaraha, saxiixeene iyaga oo kale laga garaneyn ayay sameynayaan, waa in dowladda u soo jeesato si wax looga qabto”ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilkaxanaf.

Muranada ku saabsan dhulka iyo guryaha ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ahaa mid ka taagnaa magaalada Muqdisho, iyadoo dad fara badan oo dhulkooda xoog lagu heysto ay dowladda ka dalbadeen inay wax u qabato.

Dadka qaar ee guryaha heysta ayaa u sameysta Documentiyo been abuur ah, iyadoo taas ay jahwareer dhalisay markii la arkay dad guryo isku heysta oo kala wata Documentiyo aan la kala ogeyn midka saxan iyo midka qaldan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com