Maamulka Ahlusunna Oo Kulan Amaanka Looga Hadlayay Kula Qaatay Magaalada Caabudwaaq Odoyaasha Dhaqanka.

0

sheekh ibraahimCaabudwaaq (AGGM): Maamulka Ahlu Sunna wal-Jamaaca ee gobollada dhexe ayaa shalay degmada Caabudwaaq kulan ammaanka looga hadlayay kula qaatay odayaasha dhaqanka degmadaas.

Guddoomiyaha seddexda gole ee Ahlu Sunna Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye ayaa sheegay in kulanka looga hadlay sidii ammaanka gobolka loo adkeyn lahaa gaar ahaan deegaannada miyiga oo ay dagaallo ka dhaceen maalmihii u dambeeyay.

Sheekh Ibraahim ayaa sheegay inay isku af-garteen in wacyigelin loo sameeyo dadka reer miyiga ah si aysan u dhicin dagaallo kale.

Wuxuu bulshada gobolka ka codsaday inay gacan ku siiyaan sidii sare loogu qaadi lahaa ammaanka gobolka guud ahaan.

Odayaashii dhaqanka ee ka qeybgalay kulanka ayaa ballan-qaaday inay gacan ka geysan doonaan xoojinta ammaanka gobolka iyo nabadeynta dadka reer miyiga ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com