Akhriso: Axmed Madoobe Oo Jabiyay Heshiiski Addis Ababa Artikalkiisa Afaraad.

0

Axmed-Madoobe1Waxa ay ahayd dhawaan marki Dowaldda Federaalka Soomaaliya iyo horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ku kala saxiixdeen heshiis magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Durbaba waxaa soo baxaya in horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Mdoobe uu jabiyay heshiiski dowladda Soomaaliya ay kula gaartay magaalada Addis Ababa ee ay qeeybta ka ahayd in shirweyne dib u heshiisiin dadka Jubbooyinka daga loogu qabto magaalada Muqdisho.

Arrintana yaa waxaa horey uga digay  si aad ahna uga horyimid qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Saraakiil iyaga oo sheegay in heshiiska Addis Ababa ee dowladda Soomaaliya iyo horjoogeyaaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni uu yahay mid xaaraan ah wax natiijo ahna aysan ka soo bixi doonin.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaan qeeybaha bulshada Soomaaliyeed ee diidaneed heshiiska Addis Ababa waxa ay ku qancisay in marxalada dalku marayo uu yahay mid heer xasaasi ah loona baahan yahay dulqaad iyo tanaasul.

Balse sida hadda muuqata waxaa soo baxay inay rumoowday digniinti ay u jeedinayeen Dowladda Soomaaliya Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, Siyaasiyiinta, Xildhibaanada iyo Saraakiisha ciidamada ee guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana kuwa Deegaanada Jubbooyinka.

Waxaan idiin soo bandhigeeynaa qodobka ay Jabiyeen horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni isagoo ku qoran luqada Ingririiska iyo Soomaali.

English

ARTICLE FOUR

On Reconciliation and Confidence-Building

20. The Federal Government of Somalia shall organize and convene, within two weeks a Reconciliation Conference in Mogadishu. A follow-up peace building conference will also be held in Kismayo.

21. Mogadishu Reconciliation Conference will be a consultation mechanism on the process of completing the formation of the interim administration and peace building.

22. During the Mogadishu Reconciliation Conference, modalities of development of the roadmap for the establishment federal member state will be agreed upon.

23. The Government of the Federal Democratic Republic of Ethiopia as chair of IGAD shall be the guarantor of this agreement.

Guarantor

H.E. Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus
Chair of the Council of Foreign Ministers of IGAD

Soomaali:

QODOBKA AFARAAD

Dib u Heshiisiin iyo Kalsooni Dhisid

20. Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ay abaabuleysaa ayna qabaneysaa muddo 2 todobaad ah gudaheeda shir dib u heshiisiineed oo Muqdisho ka dhaco. Shir nabadeed daba socda ayaa ka dhacaayo Kismaayo.

21. Shirka dib u heshiisiinta Muqdisho waxaa uu noqonayaa mid lagu wada tashanaayo si loogu dhameystiro dhismaha Maamulka KMG ah ee Jubba.

22. Inta uu socdo shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho waxaa la isla garan doona geedi socodka dhisida maamulka goboleedka habka federaalka.

23. Dowladda federaalka Dimuqraadiga ee Itoobiya ayaa waxaa ay tahay cidda damaanad qaaadaysa heshiiskan.

Damaanad-Qaade                            

Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus
Gudoomiyaha Golaha Wasiirada Aimaha Dibadda ee IGAD.

Diidmada shirka dib u heshiisiinta Muqdisho ee Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa waxa ay dhabarjab iyo fadeexad bahdil ah ku tahay dowladda Itoobiya maadaama ay iyadu damaanad qaaday hirgalinta heshiiskan, waxaadna moodaa hadda inay dowladda Itoobiya qudheeda ay aad ulla fajacsan tahay habdhaqanka Axmed Madoobe iyo maleeshiyo beeleedkiisa Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo heshiiska Addis Ababa ee dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Damaanad qaadidda hirgalinta Heshiiskaas  waxaa Dowladda Itoobiya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda  Itoobiya Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus iyada oo weliba looga digay loona sheegay in ay ku deg degtay dowladda Itoobiya damaanad qaadidda heshiiskaas maadaama sida muuqatay uu fashil ku dhamaanayay. Halkan Guji Kana Akhriso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com