Madaxweynaha Oo Kulan Muhiim Ah La Qaatay Bank Moon ”Sawirro”

0

IMG_8588Newyork(AGGM)Madaxweynaha J.F.S.  Mudane Hassan Shekh Mohamoud ayaa  xafiiskiisa kula kumay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midowbey, Ban-Ki-Moon. Isagoo kala hadlay sidii loo kobcin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.

Ban-Ki-Moon wuxuu hadalkiisa ku billaabay ammaan uu u soo jeediyey M/weynaha Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Maxamuud hoggaanka iyo maamulka wanaagsan ee uu-wado. Wuxuu kale ee Ban-Ki-Moon sheegay in Qaramada Midowbey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto dowladda uu u hoggaanka u haayo M/weyne Hassan Sh.

Mudane Hassan Shekh Mohamoud oo isagana markiisa hadalka qaatay, wuxuu uga mahad celiyey Ban-Ki-Moon si loogu soo dhaweeyey xarunta weyn ee Qaramada Midowbay.

Wuxuu M/weyne Hassan Sheikh uga warbixiyey guulihii ay dowladda Somaliyeed ay gaartay tan iyo markii uu hoggaanka qabtay. Wuxuu kale oo M/weynaha ka hadlay waxna ka ta-taabtay arrimaha la xiriira nabad gelyada, siyaasadda, xuquuqul Insaanka, shirkii Brussels iyo guud ahaan warbxin dhinac walba taabaneysa ee Soomaaliya.

Wuxuu ka codsaday Ban-Ki-Moon in taageero buuxda la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed si ay uga hortagaan khatarta ay wadaan Al-Shabaab.

Wxuu M/weyne Hassan Sheikh Moxamoud uga tacsiyadeeyay M/weynaha Kenya Uhuru iyo dhammaan shacbiga Kenya dhibaatadii dhawaan ka soo gaartay West Gate oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Ugu dambeyntii wuxuu M/weyne Hassan Sheikh ka codsaday Ban-Ki-Moon in shaqaalaha Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya ay u soo guuraan caasimadda Xamar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

IMG_8560IMG_8564IMG_8574IMG_8578IMG_8588IMG_8576IMG_8598IMG_8616IMG_8625