Kenya Oo 8 Ruux U Qabqabatey Qarixii West Gate,Sheegteyna In Aan La Sii Deyn Doonin

0

Flag_KenyaNairobi(AGGM) Wasiirka arimaha gudaha dalka Kenya Josef ole lenko ayaa sheegay in saraakisha dalka Kenya ay gacanta kusoo dhigeen 8-qof oo lala xiriirinayo weerarkii ay Al-shabab ay ka geesteen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya todobaadkii tagay,saraakishasi aya suaalo weydiin kadib waxa ay siidayen 3-kamid ah shaqsiyaadkasi ay soo qabteen.

Waxa uu shegay wasiirka arimaha gudaha Kenya in shaqsiyaadka gacanta lagu haayo la marsiin doono sharciga Kenya uga yaala la dagalanka argaggexisada waxana arimahasi oo ku sii micneeyay inay dhici karto in waqti badan dadkasi ay xirnaadaan inta aan loo gudbin maxkamada.

Wasiirka waxa u ku celiyay markale sida ay uga go,an tahay in ciidamadooda kusii hayaan dalka Somalia waxana arintasi uu ku tilmaamay difaaca amniga qaran ee Kenya,waxa uu shaca ka qaaday ole lenko inaysan weli meesha ka saarin qatartii argagexiso ee ciidamadooda kusoo dadajisay inay gudaha u soo galaan Somalia.

Todobaadkii tagay ayay aheyd markii ay dagalamayaal al-shabab ka tirsan ay weeraren dhismaha ganacsi ee westgate oo dowlada Kenya ay sheegtay in in kabadan 62-qof ay ku geeriyoden.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com