Dhageyso: Shiikh Cabdulqaadir Muumin ” Dadka Kiiniya Dhiiga U Shubay Waa Gaaloobeen ”’

0

IdaacadLondon(AGGM) Shiikh Cabdulqaadir Muumin oo ka mid ah Tageerayaasha Argagixisada Alshabaab ee ka dagaalanta gudaha wadanka Soomaaliya iyo wadamada deriska ah ayaa shaaciyey in dadka musliimiinta ah ee dhiigooda u shubay dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Magaalada Nairobi ay diinta ka baxeen isla markaasna aysan muslim ahayn.

Waxaa uu daaha ka qaaday in dadkii dhiiga u shubay dadkii dhaawacmay ay tahay wax lala yaabo,waxaana uu sheegay inaysan meelna ka soo galin shareecada islaamka isla markaasna ay tahay wax aad looga xumaado,waxaana uu shaaciyey in dadkaas aan islaam lagu tilmaami karin.

Shiikh Cabdulqaadir Muumin oo ka mid ah Tageerayasha Alshabaab waxaa uu daboolka ka qaaday in dhibaatadaasi ay sugeyso cid kasta oo muslim ah isla markaasna dhiigooda ugu deeqay gaalo,waxaana uu ku tilmaamay in talaabadaasi ay tahay wax aad looga xumaado isla markaasna aan loo dul qaadan karin.

Ugu dambeyntii Waxaa uu si gaar ah u dhaleeceynayaa Culimadda Soomaalida ah ee ku dhaqan Magaalada Nairobi kuwaasi oo qaarkood dhiigooda ugu deeqeen dadkii dhaawacmay,waxaana uu sheegay inaysan meelna diinta islaamka kaga qorneyn in dad gaalo ah dhiig loogu deeqo.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-SHEEKH-C-QAADIR-MUUMIN-OO-AL-SHABAAB-KA-TIRSAN.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Dhageyso:

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com