Warbixin ku saabsan kulamadii kala duwanaa ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la Yeeshay Madaxda Dalka Turkiga:-War-saxaafadeed+Sawirro

0

DSC_7136Turkey(AGGM)Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax shirdoon”Saacid” iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xalay oo Khamiis ahayd, 26 September 2013, waxaa ay kulan ku wada qaateen magaalada Ankara ee dalka Turkiga iyadoo ay wehelinayeen xubno muhiim ah oo ka kala socday Xukuumadaha labada dal ee walaalaha ah, Waxaa sidoo kale kulanka ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Turkiga Mudane Bekir Bozbag.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadnaqay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga sida ay u garab istaageen shacabka Soomaaliyeed xilli aad loogu baahnaa kaalmada caalamka. Waxaa Ra’iisul Saacid uu sheegay in gurmadkii ay Turkigu u fidiyeen Soomaaliya ay sabab u noqotay in uu sii xoogaysto xiriirka u dhexeeya labada dal.

“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya sidii ay dib ugusoo kaban lahayd oo ay xasilooni u heli lahayd , sidoo kale waxaa ay muhiim u tahay in labada dal ay iska kaashadaan siyaasadda iyo dhaqaalaha” Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu caddeeyay in dawladdiisu ay ku talaabsatay horumar balaaran tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan uu soo booqday Soomaaliya bishii Auguts 2011. Waxaa Ra’isul Wasaaruhu dhanka kale sheegay in wali ay jiraan caqabado aad u fara badan, waxaa caqabadahaasi kamid ah hanjabaadaha , isagoo tusaale usoo qaatay weerarakii fulaynimo ee kooxda argagixisada Al-Shabaab  ay ku qaadeen Safaaradda Turkiga 27-dii July 2013 iyo kii ugu danbeeyay ee Argagixisadu ay ku qaadeen dhismaha Westgate Mall ee Nairobi.

Waxaa Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo  Ra’iisul Wasaare  Recep Tayyip Erdogan ay uga tacsiyeeyeen dawladda iyo shacabka Kenya  weerarkaasi argagixisada ahaa ee lagu qaaday Westgate Mall. Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” waxaa uu sheegay in weerarkii lagu qaaday safaaradda Turkigu aysan  ahayn oo kaliya weerar lagu qaaday shaqaalaha rayidka ah ee Turkiga balse uu weerarkaasi la mid ahaa in la weeraray shacabka Soomaaliyeed iyadoo danta laga leeyahay ay tahay curyaaminta mashaariicda horumarineed ee dawladda iyo shacabka Turkigu ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Saacid waxaa uu hoosta ka xariiqay in taageerada ay dawladda Turkigu ka wado Soomaaliya ay tahay mid aan lasoo koobi Karin isagoo ka dhawaajiyay in Turkigu ay maalgaliyaan waxbarashada sida in ay ugu deeqeen boqolaal arday ah waxbarasho lacag la’aan ah, maalgalinta ay ku sameeyeen caafimaadka sida dayac tirka cisbitaalka Digfeer iyo goobo kale oo caafimaad, maalgalinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada sida wadooyinka iyo biyaha, waxaana dhamaan mashaariicdan ay tusaale u yihiin sida dawladda Turkigu  u garab taagantahay shacabka soomaaliyeed.

“Mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya aan ka fulinayno waxaa ay kaalin mug leh ka qaateen dib-u-soo celinta rajjada Soomaaliyeed,hormarinta amaanka,abuurista shaqooyinka iyo sidii Soomaaliya ay u heli lahayd dariiqa saxda ah ee dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdogan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” waxaa uu uga mahadceliyay dawladda iyo shacabka Turkiga sida ay u gacan qabteen Soomaaliya isla markaana waxaa uu soo dhoweeyay gargaarka aan joogsiga lahayn ee Turkigu ay ka wadaan Soomaaliya sida dhismaha hay’adaha dawladda, cadaaladda, waxbarashada, caafimaadka iyo dib usoo noolaynta adeegyadii bulshada, waxaana uu sheegay in uu rajaynayo in markale uu dalka soo booqdo Recep Tayyip Erdogan.

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan waxaa uu soo dhoweeyay xiriirka dhow ee labada dal ,heshiisyada labada dawladood ay wada gaareen iyo iskaashiga ay wadaagayaan Turkiga iyo Soomaaliya.

—DHAMAAD—

DSC_7136IMG_0794IMG_0800IMG_0836IMG_08441IMG_8591