Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo21Kismaayo (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya magalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni magaaladaasi ay ku dileen dad gaaraya 7 ruux oo isugu jiray 5 ruux rayid ah iyo laba ganacsade oo caan ah.

7-dan ruux ayaa dilkooda waxaa si toos ah u geeystay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni mid kamid ah ganacsatada ay dileen ayaa waxaa lagu magacaabaa Allaha u naxariistee Marxuum Saacid Ilmadoow.

Maleeshiyada Raaskambooni ayaa waxay xarun dadka ay ku laayaan ka sameeysteen Dabaqa C/llaahi Shimbir halkaas oo sida la xaqiijinayayna dadka ay ku xiraan ugu geeysta falal isugu jira Dil iyo Jirdil arxan daro ah.

Dhinaca kale waxaa qilaaf xoogan soo kala dhexgalay Horjoogeyaasha maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni waxa ayna isku ugaarsanyaan gudaha magaalaada Kismaayo iyaga oo iska dilaya maleeshiyaadkooda.

Sidoo kale waxaa jira maleeshiyo ka tirsan maleeshiyaadka Raaskambooni oo loo xilsaaray ugaarsiga dadka wax ku oolka ah ee ku nool magaalada Kismaayo si ay u Qaarajiyaan.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku dhinta maalin walbaa ugu yaraan 4 ruux oo isugu jira dad rayid ah oo ay dileen maleeshiyada Raaskambooni iyo maleeshiyaadka Raaskambooni oo dhexdooda is ugaarsanaya, waxaa sidoo kale magaalada habeen iyo maalinba ka dhaca Rasaas aan loo meel dayin.

Wxaa sidoo kale si joogto ah loo dhacaa hantida ganacsatada iyo dadka rayidka ah, waxaana xaafadaha magaalada Kismaayo lagu jirdilaa amaba lagu dhibaateey dad rayidka ee dagan magaaladaasi.

Isku soo wada duuboo xaalada magaalada Kismaayo ayaa maalinba maalinta ka dambeeysa waxa ay sii geelaysaa Jawi mugdi ah iyo xaalada murugo leh iyada oo aan la ogeeyn halka ay ku dambeeyn doonto xaalada magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com