Guddoomiyaha Degmada Balcad oo Sheegay in Ciidamada Ammaanka ay Gacanta ku Dhigeen Maleeshiyaad Ka Tirsan Kooxda Shabaab

0

indexMuqdisho(AGGM)Guddoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha  Dhexe Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen saddex qof oo tirsan maleeshiyaadka al-shabaab kuwaasi oo masjid dhexdiisa ku sameeynayay walxaha qarxa si ay ugu dhibaateeyaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmadaasi.

Cismaan Xaadoole ayaa sheegay in ciidamadi ay sameeyeen howlgal magaalada looga nadiifinayo haraadiga maleeshiyaadka Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Balcad Cismaan Maxamed Maxamuud “Xaadoole” ayaa howlgalkan laga sameeyay magaalada ku macneeyay mid qeyb ka ah dadaalka uu maamulkiisu ku xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasiloonida kaasi oo ay ciidamadu sameeyaan xilliyada habeenkii iyo maalintii intaba.

Xaadoole ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka la soo qabtay iyagoo gacanta kula jira fal dambiyeedka la marsiin doono cadaalada,isagoo sheegay in wali ciidamada ay ku raad joogaan dad laga shakisanyahay.

Guddoomiyaha degmada Balcad Cismaan Xaadoole ayaa sheegay in xaalada amni ee magaalada ay tahay mid aad u wanaagsan shacabkana ay horumar ka sameeynayaan dhinacyo kala duwan.

Degmada Balcad oo kamid ah degmooyinka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah degmooyinka ay dowladdu horey uga xoreysay maleeshiyaadka Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com