Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Dalbaday In Laga Guuro Xaruntiisa.

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta (1)Muqdisho (AGGM): Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa maanta u jeediyay dadka deggen xarunta ciidanka Asluubta inay uga guuraan shan iyo toban cisho.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Jeneraal Xuseen Xasan Cismaan ayaa sheegay in agabkii lagu dhisi lahaa xarunta Asluubta oo ku taalla agagaarka Ex Control Afgooye uu diyaar yahay, isla markaana goordhow ay ka billaabi doonaan dib u dhis.

Jeneraal Xuseen Xasan Cismaan iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Asluubta ayaa booqday xarunta oo ay ku nool yihiin dad gudaha ku barakacay.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wadda dadaallo dib loogu dhisayo xarumihii dowladda si loogu qabto howlaha danta guud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com