Falaagada Alshabaab Oo Weeraray Degaano Kala Duwan Oo Gobolka Jubadda Hoose Ka Tirsan

0

8049968066_bc1e889d02_b-620x330Kismaayo(AGGM) Kooxda Alshabab ee ka dagaalanta gudaha  dalka Soomaaliya ayaa weeraro culus xalay ku qaadey farisiimo Ciidamada dawlada kiiniya iyo ku jabhadda Raaskambooni,waxaana weeraradaasi ka dhaceeno degaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Jubadda Hoose,waxaana la sheegaya in weeraradaasi khasaare ka soo gaareen labada dhinac ee dagaalamay.

Argagixisada Alshabaab waxay weeraro ku qaadeen degaanada Kulbiyow iyo Jaamacada Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kooxaha dagaalamay soo kala gaaray,waxaana la sheegay in dagaaladaasi toos u dhexmareen ciidamada kiiniya oo garabsanaya kuwa Jabhadda Raaskambooni & Argagixisada Alshabaab.

Weerarka Kulbiyow ayaa la sheegayaa inuu socday saacado badan isla markaasna ay ciidamada kiiniya oo garabsanaya kuwa Maleeshiyaadka Kambooni weeraradaasi iska difaaceen inkastoo la sheegayo inuu khasaara ka soo gaaray walow aan la ogeyn khasaaraha dhabta ee labada dhinac soo kala gaaray.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa la sheegaya inay Jaamacada Magaalada Kismaayo oo farisiin u ah ciidamada dawlada kiiniya iyo Maleeshiyaadka Raaskambooni ay weeraro culus dhawr jiho kaga soo qaadeen isla markaasna la aaminsan yahay in weerarkaasi sababay dhimasho iyo dhaawac kooxaha dagaalamay ah.

Ugu dambeyntii Argagixisada Alshabaab ayaa la aaminsan yahay inay weeraradooda sii xoojiyeen bilihi la soo dhaafay,waxaana ay weeraradii ugu khasaaraha badnaa ka fuliyeen Magaalada Nairobi oo ay ku dileen dad badan oo shacab ah kuwaasi oo ay ugu galeen meelo laga dukaamaysto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com