“Ragga Nashuushadeynayna qaar baan Dooxa ka Talaabin,Mashruucan Dufan Naga Soo Gaadhay Ma Jiro”

0

Masuuliyiinta-wasaaradda-300x199Hargeysa(AGGM) Kulan caalami ah oo lagu soo bandhigayay in madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport uu dib u habayntii lagu sameeyay waafaqsanayd heerarka caalamiga ah ee madaarrada, ayaa xalay lagu qabtay xarunta Ha’yadda shaqaalaha dawladda ee Magaaladda Hargeysa.

Xafladaas waxa ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan Guurtida iyo Wakiiladda, Wakiillo iyo khubaro ka socday Dawladda Kuwait ee maal-gelisay cariyaynta madaarka Hargeysa, wakiillo ka socday shirkadaha diyaaradaha iyo dadweyne tiro badan. Waxa kulankaasi tafaasiil lagaga bixiyay marxaladihii uu soo maray madaarka Hargeysa, iyadoo daboolka laga qaaday inaanay jirin wax tayo xumo ah oo ka jirtaa.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka cirka Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay In wararka aan saxda ahayn ee laga baahiyay Madaarka Hargeysa ay ka dhalatay xog la’aan haysay siyaasiyiintii dhaliilayay.

“Munaasibaddan waxaannu ugu tallo-galnay in bulshada xog dheeraad ah ka siino sidii uu u qabsoomay mashruucii casriyaynta Madaarka caasimadda ee Cigaal Intertional Airport, oo beryahan dambe iyadoo aan xagayaga xog laga helin dacaayado faro badan laga fidiyay.

Daraasad ayaanu samaynay si aanu u ogaano darreenkan laga bixiyay mashruucan. Waxa uu u badan yahay xog la’aan. Waxa ka warami kara mashruucan khubarradii gacanta ku haysay iyo Injineero aqoon u leh, siyaasiyiin fadhi ku dirir meheradoodu tahay iyo rag nuxurkoodu ku ururay maxaa wax wanaagsan loo qabanayaa oo loo horumarayaa. Mashruucan kama warami karaan.”

“Mashruucan waxa loo maamulay sidii ugu haboonayd, dawladdii ina siisay ayaa gacanta ku haysay, malaa dadka qaarkii ayaa moodaya in annaga naloo dhiibay, waar lacag naloo dhiibay ma jirto, dux iyo dufan naga soo gaadhayna ma jirto. Wax jeeg lagu qaatay iyo wax account-yo lagu shubtay midna ma jiro. Buug ayay dawladda Kuwayt naga saxeexday la xidhiidha hanaanka lacagtan 10-ka Milyan ah loo maamulayay,”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.Wasiir Maxamuud Xaashi oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxay ahayd in wax la hubsado oo wax la fahmo, waxay ahayd ragga mucaaridka ah ee na eedeynayaa inay raadiyaan meelo fiican oo aanu ku simbiriraxanno ay noo raadiyaan. Waxay bulshaddu ku nacdo oo la ogaado inay beenaaleyaal yihiin berito may ahayn inay sheegaan. Madaaradda dhismahooda waxa qiimaysa ICAO oo laba jeer soo kormeertay, waxa kale oo xaq u leh inay soo qiimayso dawladdii lacagta ina siisay. Waxa kale oo qiimayn kara qof shakhsi ah oo reer Somaliland ah oo aqoon u leh, laakiin ragga mukhaayadaha fadhiyaa ma qiimayn karo.”

Wasiirka Duulista oo dabo-socday hadalo hore uga soo yeedhay siyaasiyiin mucaarid ah, waxa uu yidhi “Raga ka hadlayay madaarka ee mucaaridka ahaa ee nashuushadaynay ee baqsayay madaarkooda. Rag baan wali dooxa ka tallaabin.”

Wakiilka Kuwait Fund iyo Ha’yadda NARCO Dr.Nabeel Abdulraheem isla markaana u qaabilsan oo xafladan ka hadlay ayaa sheegay In casriyaynta Madaarka Hargeysa u hirgalay sidii loogu tallo-galay. Waxaanu cadeeyay inaanay jirin wax lacag ah oo laga lunsaday, iyadoo uu sheegay in maamulka lacagtaasi iyo sidii loo fulinayayba ay maamulaysay khubarro ka socota dawladda Kuwait.Wasiirka Qorshaynta qaranka Md. Sacad Cali Shirre oo ka hadlay kulankaasi ayaa wasaaradda duulista ku majeertay inay horumar ka samaysay dib u habaynta madaarrada Hargeysa iyo Berbera oo uu ku dooday inay yihiin kuwo mustawahoodu yahay heer caalami.
“Madaarrada Hargeysa iyo Berbera marka loo eego sidii ay ahaayeen 2010-kii runtii farqi weyn ayaa u dhaxeeya halkay maanta taagan yihiin, waana madaarro caalami ah, waxa halkan laga cadeeyay in garoonka Hargeysa leeyahay tayadii laga rabay. Waxa kale oo la cadeeyay in aanay jirin wax lacag ah oo laga lunsaday dib u habayntii madaarka Hargeysa.

Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Md. Axmed Dalal Faarax, oo ka waramay marxaladihii uu soo maray dib u habaynta madaarka Hargeysa iyo xaaladiisa xiligan oo uu tilmaamay inuu noqday madaar caalami ah oo ay soo fadhiisan karaan diyaaradaha xajmiga weyni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com