Guddiga Amaanka Baarlamaanka Kiiniya Oo Maanta Su,aalo Waydiyey Sarakisha Amaanka

0

kenya3-455x350Nairobi(AGGM)Gudiyada Baarlamaanka Kenya u qaabilsan difaacaca iyo ammaanka qaranka ayaa saraakiisha sar sare ee qaabilsan ammaanka dalka Kenya todobaadka soo socda su’aalo ka weydiin doono weerarkii argagixiso ee lagu qaaday xarunta ganacsiga ee westgate Mall.Gudiyadan ayaa balan qaaday inay bilaabi doonaan baaritaan adag oo laga yaabo inay ka soo baxaan talooyin ay ka mid taahy in is bedel weyn lagu sameeyo qaabka ay u dhisanyihiin hay’adaha ammaanka dalka.

“Waxaa la gaaray waqtigii mas’uuliyada iyo la xisaabtanka,”Ayuu yiri gudoomiyaha gudiga baarlamaanka u qaabilsan difaaca Mr Ndung’u Gethenji.

Ndung’u Gethenji ayaa sheegay ka dib kulan albaabadu u xirnaayeen oo uu yeeshay gudiga  inay sameeyn doonaa baaritaan dhab ah oo ay ku ogaanayaan waxyibihii sababay weerarkasi. Taliyaha ciidamada nabad sugida ee dalka Kenya Michael Gichangi ayaa maanta ka soo hor muuqday gudiga baarlamaaniga ah.inkastoo uu ka cudur daartay in su,aalo laga weeydiiyo weerarkii Westgate Mall.

Gichangi ayaa sheegay in gudiga uu warbixin siin doono todobaadka soo socda marka ay bilaabaan baaritaankooda ku aadan weerarkaasi.Labadan gudi ee baarlamaaniga ah oo qaabilsan ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay baaritaan buuxa ku sameeyn doono weerarkan oo ay sheegeen in uu ahaa mid Qatar ah loona baahanyahay in si deg deg ah loo baaro.

Gudiyadan ayaa shacabka dalka Kenya ugu baaqay inay la wadaagaan warbixinada gacan ka geysan kara baaritaanka ay ku sameynayan weerarkii Westgate Mall iyo weeraro u dhigma oo dalka ka dhacay.

“Waxaan rabnaa in aan u sheegno dhamaan dadka keenyaanka ah inay ogaadaan in aan la xisaabtami doono dhamaan hay’adaha mas’uulka ka ah badbaadada iyo nabad gelyda dalka,”ayuu yiri guddoomiyaha gudiga.

Gudoomiyaha gudiga baarlamaaniga ah Ndung’u Gethenji ayaa sheegay in ay su’aalo weeydiin doonaan wasiirka arrimaha gudaha,taliyaha ciidamada booliska iyo mas’uuliyiin sar sare oo dhanka ammaanka qaabilsan si ay u iftiimiyan sababaha keenay weerarkii Westgate Mall iyo kuwa kale oo dalka ka dhacay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com