Badhasaabka Maroodijeex Oo u Riyaaqay Xeerka Meel-marinta Xeerka Waddooyinka

0

Badhasaabka-Maroodijeex1-300x168Hargeysa(AGGM) Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Maxamed Maxamuud Jiiniyare, ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay siyaasiyiinta isku magacaabay Madasha wadatashiga oo Naqdiyay weftigii madaxweynaha ee booqashadda ku tagay toddobadkii hore ku tagay Gobollada Togdheer, Saaxil, Oodweyne iyo Hawd.

Maxamed Maxamuud Jeeni-yare oo maanta warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin eedaha kooxda la baxay madasha wada tashiga , isagoo tilmaamay in madaxweynaha ay soo dhaweeyeen badhasaabadii gobolladii uu socdaalka ku tagay.

Maxamed Jiiniyare oo arrimahaasi ka hadlayayna ,waxa uu yidhi “Annigu badhasaab waxaan ka ahay gobolka Maroodi-jeex, madaxweynuhu sharciyan marka uu gobolkayga ka baxo badhsaab kale ayaa u diyaar ah waajib ku tahay in uu horgalo”ayuu yidhi.

Waxaanu intaasi ku daray “Markaa waxaan leeyahay odayaashaa wax badan ayaa ka khaldan waxaan leeyahay niman waayeel ah ayaad tihiin, idina ha is dhibina shacbigana ha dhibina dalkana ha dhibina qaranimadeenu meel sare ayay maraysaa nin neceb iyo nin si yar oo gaaban wax ugu muuqdaanba yaanu dalkeena dhibaatayn ee waxaan leeyahay dalka ka daaya hadimadda.”

Guddoomiye Jeeni-yare waxa kale oo uu soo dhaweeyay xeerka taakiiliifta waddooyinka ee la ansixiyay, waxaanu tilmaamay in xeerkani uu wax weyn ka tarayo sidii loo hagaajin lahaa waddooyinka dalka oo uu xusay inay u baahnaayeen cariyayn.

“Haddii Baarlamaanku cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xeerkii waddooyinka waxaanu leenahay Baarlamaanoow waad mahadsan tihiin, waxaad ansixiseen xeer dalka waxtar u leh oo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalahana furre u ah,”ayuu yidhi Badhasaabka Maroodijeex.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com