Argagixisada Alshabaab Oo Weeraray Magaalada Wajeer Caawa

0

8049968066_bc1e889d02_b-620x330Nairobi(AGGM) Wararka laga helayo magaalada Wajeer ee Waqooyi bari dalka kiiniya ayaa shaaca ka qaadaya in israsaaseyn xoogan iyo Qaraxyo dhawr ahi ka dhaceen Magaalada Wajeer bartamaheeda,waxaana la sheegaya inay sidoo kale magaalada Qaybo ka mid ah ka dhacayaan israsaaseyn xoogan.

Qaraxyadan waxaa lala beegsaday Maqaaxi la sheegay inay dad shacab ahi ku sugnayeen bartmahama Magaalada Wajeer,waxaana la sheegay in lagu weeraray dhawr bam gacmeed iyadoo la aaminsan yahay inay khasaare geysteen qaraxyadaasi,waxaana wararku intaasi ku darayaan in dad shacab ahi goobtaas ku sugnayeen.

Sidoo kale waxaa la sheegaya in kooxaha hubeysan weerar ku qaadeen kaniisad ku taala Isla magaalada Wajeer iyagoo halkaas la sheegayo inay rasaas ooda uga qaadeen inkastoo aan la sheegin rasaastaas khasaaraha ay geysteen,waxaana la aaminsan yahay in weeraradani qayb ka yihiin weerarada Alshabaab la bartimaameedsanayan dawlada kiiniya.

Weerarkan caawa lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay,waxaana la aaminsan yahay in weerarkan khasaare ka dhashay inkastoo aan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee halkaas ka dhacay.

Ugu dambeyntii weerarkan caawa ka dhacay magaalada Wajeer waxa  horeeyey weerar culus oo Alshabaab ku qaadeen Suuq weyn oo ku yaaala dalka Kiiniya kaasi oo ay ku xasuuqeen shacab badan kuwaasi oo isugu jira dad u dhashay wadanka Kiiniya & wadamada caalamka,waxaana sidoo kale ku dhaawacmay boqolaal ruux oo kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com