Kiiniya Oo Qiratey In Askar Laga Dilay & Wali Hawlgalkii Oo Halkiisi Ka Sii Socda

0

kenianische-soldaten-vor-dem-westgate-einkaufszentrum-in-nairobiNairobi(AGGM) Saraakiil ka tirsan ciidamada mileteriga dawlada kiiniya ee loo yaqaan (KDF) oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in weerarka maalintii 4-aad ka socda xarunta ganacsiga ee West Gate looga dilay 3 askari iyadoo lagu dhaawacay tiro kale oo badan.

Warbixinta oo lagu daabacay wargeyska Daily Nation Kenya ayaa lagu sheegay inay weerarkan ay ku geeriyoodeen 3 askari oo ka tirsan ciidamada mileteriga dawlada kiiniya waxaana dhaawacyo kala duwan soo gaareen askar kale oo qaarkood xaaladooda caafimaad laga dayrinayo kuwaasi oo lagu daaweynayo isbitaalada magaalada Nairobi.

Dhinaca kale waxaa wali sidiisi u socda hawlgalka ciidamada dawlada kiiniya oo kaashanay ciidamo ka socda wadamo kale ay kula dagaalamayaan Kooxda Argagixisada ah ee afduubka u haysta dad badan kuwaasi oo wali ka dagaalamaya gudaha Goobta Ganacsiga ee West-Gate waxaana la sheegaya inay wali muujinayan awood ciidan.

Kooxdan ayaa la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakada Alshabaab ee gacan saarka la leh  Alqaacida,waxaana dawlada kiinyia sheegtey inay weerarkan ku dileen haweenay u dhalatay wadanka Britain taasi oo la aaminsan yahay inay hogaaminaysay weerarkan walow arrintaasi aan si dhab ah loo xaqijin.

Ugu dambeyntii weerarkan wali ka socda ayaa noqonaya mid gala maalintii 5-aad haddi aan laga guuleysan kooxda weerarka soo qaaday oo dagaalamaya 4 maalmood o xiiriir ah isla markaasna laga yaaban yahay awooda iyo tababarka ay qabaan kooxdaasi,waxaana lagu tilmaamay inay ka tirsan yihiin Al-Qaacida isla markaasna aan Alshabaab tababar noocaas ah qabin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com