Sweden:Magacyadii Alshabab Sheegeen Oo Qaarkood Been Noqday & Jahweerar Cusub

0

secondColumnLondon(AGGM) Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab oo dhawaan barta twitter ay ku leeyihiin soo dhigey Magacyo ay ku tilmaameen inay weerarkaasi geysteen kuwaasi oo soomaali ah dhamantood ayaa been abuur noqday isla markaasna u muuqday kuwo laga soo dhex aruuriyey akoonadda ku yaala internetka.

Kooxda Alshabaab ayaa soo bandhigey magacyo gaaraya 9 ruux kuwaasi oo ay ku tilmaameen inay ka mid yihiin dadkii Weerarka ku qaaday xarunta Westage ee magaalada Nairobi halkaasi oo wali gacanta ugu jirta kooxo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Qaacida.

Dadkan waxaa ka mid ahaa Magacyadooda la soo bandhigey wiil Soomaaliyeed oo degan wadanka Sweden gaar ahaan magaalada VÄxjo,waxaana wiilkaasi magaciiisa sida la sheegay laga dhex qaaday internetka isla markaasna lagu daray dadka ka dhex dagaalamaya xarunta Westgate ee Magaalada Nairobi.

Wiilkan ayaa la sheegay inuu yahay wiil arday ah oo aan wax shaqo ku lahayn arrimaah argagixisada,waxaana la sheegaya inuu arrintasi ka war halay xilli uu iskuulka ka soo laabtey isla markaasna gurigooda ku soo noqday uu u yimid hooyadiis oo murugeysan isla markaasna telefoonno kula soo hadleen hadda eheladiisa ah oo ku sugan gudaha iyo dibedda isla markaasna ka wareysanayey waxa ka jira arrimahaasi.

Jariiradda wadanka Sweden laga leeyahay oo lagu magacaabo expressen.se ayaa la kulantey laba wiil oo ka mid ahaa dadka lagu been abuurtey kuwaasi oo lagu kala magacaabo Ismaaciil19 jir ah & Mohamed oo isna jira 21 sano,waxaana wiilashaasi ay saxafadu kula kulantay gurigooda oo ku yaala Magaalada Växjo.

Wiilashan ayaa aaminsan in magacyadooda laga dhex qaatay xarunta Twitter isla markaasna lagu been abuurtey,waxaana ay sheegeen inaysan arrimahaasi waxba kala socon isla markaasna ay ka war haleen iyagoo guryahooda jooga in kooxda Argagixisada ahi magacyadooda ku soo bandhigeen Barta twitter-ka.

Halkan ka akhriso

http://http://www.expressen.se/nyheter/svenskar-hangdes-ut–som-terrorister/

Ugu dambeyntii Alshabaab ayaa been abuur ka dhex bilaabay bogaga internetka iyadoo ay u sahlan kartahay inay qaataan magac kasta oo qof soomaaliyeed leeyahay,waxaana talaabadaasi u eg tahay mid ay ku marin hababinayaan caalamka isla markaasna ku doonayaan inaan lagu ogaan cidda weerarka geystay iyagoo shaki ka taagan yahay in weerarka Alshabaab geysten iyo in kale maadama ay ka been abuureen magacyo dad soomaliyeed oo aan waxaas ku lug lahayn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com