Badhasaabka Sanaag oo Cambaareeyay Mudaharaadka ay ku Baaqeen Xisbiyadda Mucaaridka ahi

0

DacarCeerigaabo(AGGM)Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Muxumed Geelle (Dacar) ayaa cambaareeyay mudaharaadka ka dhanka ah xeerka waddooyinka ee ay maanta ku baaqeen xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, waxaanu dhawaaqa axsaabta mucaaridka ah ku tilmaamay mid u dhadhamaya inay ka xun yihiin horumarinta goboladda barriga dalka.

Badhasaabka Gobolka Sanaag oo caawa khadka Telefoonka ugu waramayay Allgalgaduud.com, ayaa si kulul uga dareen celiyay banaan-baxa ay ku baaqeen xisbiyadda mucaaridka ahi, waxaanu yidhi “Xisbiyadda mucaaridka ah ee maanta ku baaqayay in laga mudaharaado xeerka takaaliifta wadooyinka Somaliland ee horyaala Golaha Wakiiladda, waxaan u arkaa arrintaasi inay macnaheedu tahay in xisbiyadda mucaaridka ahi ka xun yihiin horumarka goboladda barri ee dalka.”

“Waxaan leenahay haddii aanu nahay shacbigii iyo maamulkii Gobolka Sanaag Xisbiyadda mucaaridka ahi ha ka noqdaan baaqooda la xidhiidha mudaharaadka xeerkan, haddii kale waxay noqonayaan kuwo ka soo horjeeda inay dalka u hirgasho jidka weyn ee isku xidha Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo haddii uu hirgelo noqonaya muftaax weyn oo kaalin ka geysta horumarinta iyo adkaynta nabadgelyadda goboladda barri,”ayuu yidhi Badhasaabka Sanaag Axmed Muxumed Geelle.

Mr. Dacar waxa uu xildhibaanadda Golaha Wakiiladda gaar ahaan kuwa ka soo jeeda goboladda barri ugu baaqay inay ayidaan oo u codeeyaan xeerka horumarinta waddooyinka.

“Xildhibaanadda ka soo jeeda Goboladda barri ee dalka gaar ahaan kuwa gobolka Sanaag waxaan leeyahay u codeeya xeerka waddooyinka oo fursad siinaya in la hirgeliyo jidka dhererkiisu yahay 370km ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo,”ayuu intaas ku ladhay Badhasaabka Sanaag.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com