Maleeshiyaadka Raaskambooni Oo Sarkaal Xalay Kismaayo Looga Dilay

0

8049968066_bc1e889d02_b-620x330Kismaayo(AGGM) Ciidamo hubeysan oo aan haybtooda wali si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya inay xalay gudaha u galeen magaalada Kismaayo isla markaasna weerar ku qaadeen Hoy u deganaa Sarkaal ka tirsanaa Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegaya inay halkaasi ku dileen sarkaalkaasi.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday Bam Gacmeed iyo Qoryaha fudud,waxaana la sheegayaa inay Kooxda weerarka soo qaaday ay u suuro gashay inay dilaan sarkaalkaasi,waxaaan sarkaalkaasi la sheegay inuu ka mid ahaa saraakisha Maamulka Jabhadda Raaskambooni ee Magaalada Kismaayo.

Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu soo koobay Col Sugow,waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa Saraakisha ciidamada Jabhadda Raaskambooni,waxaana maanta lagu wada in lagu aaso xabaalaha Magaalada Kismaayo iyadoo ay aaskiisa ka qayb galayaan horjoogayaasha jabhadda Raaskambooni.

Weerarkana ayaa imaanaya xilli ay shalay gudaha Magaalada Kismaayo ku geeriyoodeen in ka badan 2 askari oo ka tirsanaa Jabhadda Raaskambooni kuwaasi oo laba dhinac shalay u dagaalamay,waxaana la sheegaya inay jiraan dhaawacyo kale oo weerarka shalay iyo kan xalay ku dhaawacmay.

Ugu dambeyntii ma jiran wax wara oo wali ka soo baxay Madaxda Jabhadda Raaskambooni ee Magaalada Kismaayo kuwaasi oo aan ka hadlin dhacdooyiinkii u dambeeyey ee ka dhaca Magaalada kismaayo 24 saac ee la soo dhaafay,waxaana lagu wadaa inay maanta war ka soo saraan falalka amaan darro ka jira Magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com