Laba Nin Oo Lagu Dilay Duleedka Degmada Gelinsoor Ee Gobolka Galgagaduud

0

dagaal-27Caabudwaaq(AGGM) Duleedka degmada Gelinsoor ee gobolka Galgaduud gaar ahaan Tuuladda Kanxandhaale lagu dilay laba nin oo reer guura ah kuwaasi oo la sheegay inay ka soo jeedaan degaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug,waxaana la sheegaya inuu dilkaasi daba socdo dil dhawaan ka dhacay degaanka Dhudub.

Kooxda dilkan fulisay ayaa la sheegay in hore looga dilay nin kaasi oo ay dileen dabley ka soo jeeda degaanka Bandiiradley,waxaana la sheegayaa inay dilkaasi kaga jawaabeen dil ay xalay ka fuliyeen duleedka Degmada Gelinsoor,waxaana la sheegayaa inay dileen laba ruuxo oo reer guura ah kuwaasi oo aan waxba galabsan.

Waxgaradka labada dhinac ee Bandiiradley iyo Dhabad ayaa la sheegayaa inay ku Mashquulsan yihiin xalinta dhibaatada u dhexeysa labada beelood ee walalaha,waxaana ay soo saarayaan baaqyo kala duwan oo ku aadan in collaada la joojiyo isla markaasna lagu bedelo wada hadaln iyo isaafgarad.

Dilalka aanadda ah ee u dhexeya dadka degaanka ayaa la sheegayaa inuu yahay mid sii kordhaya isla markaasna sababaya kala fogaansho dadka walalaha ah ee wada dhashay,waxaana hadda lagu mashquulsan yahay Xalinta colaadahaasi oo ay waxgaradku doonayaan inay talaabo horumar leh la qaadan.

Ugu dambeyntii waxaa degaanada Bandiiradley iyo Dhabad laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ay wadaan waxgaradka degaanku isla markaasna ku xalinayaan dhibaatada cusub ee soo korortey,waxaana la sheegaya inay ku rajo weyn yihiin inay ku guuleystaan xalinta muranka u dhexeya labada beelood.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com