Alshabaab Oo Soo Bandhigtey Magacyada Kooxda Westgate Gacanta Ku Haya

0

SOMALIA-UNRESTMuqdisho(AGGM) Dhalinyarada ayaa la sheegay inay kasoo kala jeedaan Dalalka Reer galbeedka sida Mareykanka, Canada, Ingiriiska iyo Finland iyo qaar kale oo ka ka tagay gudaha dalka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland iyo kuwo u dhashay dalka Kenya, waxayna magacyadoodu kala yihiin kooxaha weerarka geystay sida tan:-

  1. Axmed Maxamed Ciise 22-sano jir, ka yimid magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka
  2. C/fitaax Cusmaan Keenadiid 24-sano jir ka yimid magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka.
  3. Gen. Mustafe Noorudiin 27-sano jir ka yimid magaalada Kansas City MO.
  4. Qaasim Saciid Muusa 22-sano jir ka yimid magaalada Gaarissa ee dalka Kenya.
  5. Axmed Naasir Shirdoon 24-sano jir ka yimid magaalada London dalka Ingiriiska.
  6. Zaki Jaamac Caraale 20-sano jir ka yimid magaalada Hargeysa maamulka Somaliland.
  7. Ismaaciil Guuleed 23p-sano jir ka yimid magaalada Helsinki dalka Finland.
  8. Sayid Nuux 25-sano jir ka yimid magaalada Kismaayo Soomaaliya
  9. C/risaaq Mowliid 24-sano ka yimid magaalada Ontario dalka Kanada

Xaalada westgate ayaa weli cakiran, waxaana la maqlayaa rasaasta labada dhinac ay isweydaarsanayaan.

Weli waxaa la aaminsan yahay in raga hubaysan ay gacanta ku hayaan dad rayid ah oo kamid ahaa dadkii Suuqa Westgate ka dukaameysanaye oo weli gacanta ay ku hayaan.

Booliiska dalka Kenya ayaa ku dadaalaya sidii ay ugeli lahaayeen qeybta ay ku jiraan raga hubaysan ee maamulaya qeybaha sare ee dabaqa Westgate.

Indhaha ayaa lagu haya xarunta Westgate oo waxaa la dhowrayaa sida ay xaalada noqon doonto saacadaha soo socda,maadaama Booliiska ay sheegeen in howlgalka uu marayo heer gabo gabo ah.

Wararkii ugu danbeeyay ee khasaaraha waxa ay sheegayaan inay Dhimashada ay maraysao Maanta 68 halka Dhaawacana uu gaaray 275 qof.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com