Khasaarahaa Weerarkii Kiiniya Lagu Qaaday Oo Sii Kordhaya

0

u_111097d_2013-9-21-17-24-2f_Sawiro_Weerarkii_Suuqa_Nairobi_1Nairobi(AGGM)Inta la xaqiijiyay 40 Ruux ayaa ku geeriyootay 162 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib weerar rag hubeysan oo soo xirtay wajiyada ay ku qaadeen Goob Ganacsi oo lagu Magacaabo Westgate oo ku taalla Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Dadka dhintay iyo ku dhawaacmay ayaa isugu jiray Muwaadiniin u dhashay dalka Kenya iyo dad ajnabi ah oo Ganacsi kala duwan kulahaa Halka lagu Magacaabo Westgate ee ay wax ka dheceen.

Kaamirooyinka ku xiran Xarunta ayaa la sheegay in laga arkayay in Kooxahani Hubeysnaa ay mid mid qolalka u galayeen , iyagoo dadka halkaasi ku jiray mid mid u soo bixinayay kadibna ay rasaas la dhacayeen.

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha dalka Kenya oo laga dheehan karay dareen Murugo leh ayaa xalay la hadlay shacabka dalka Kenya ayaa wacad ku goodiyay in ay baabi’inayaan wax uu ugu yeeray Argigixisada.

“Waad u jeedaan gardarada Cad ee nalala soo maagay, ma u dul qaadan doono daan daansi kasta oo gudo iyo dibad meesha uu doono inooga yimaado, shacabkeenuna waa in ay ogaadaan in ay muhim tahay la shaqeyntooda hay’adaha Amniga dowladda Kenya” ayuu yiri Mr Kenyatta

Sida la sheegay Wiil uu dhalay  madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka mid ahaa dadkii ka dukaameeysanayay xarunta Westgate ka hor inta uusan bilaaban weerarka,iyadoo madaxweynaha walaashiis Christine Wambui Pratt laga soo badbaadiyay xarunta wax ka yar ka hor inta uusan biilaaban weerarka.

Ugu dambeyntii weerarkan ayaa waxaa lagu soo beegay 21-09 oo ah maalintii ay qaramada midoobay u asteesay maalinta nabadda aduunka oo ku beegan sanad kasta shalay oo kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com