Dhageyso: Ciidamada Dawladda Oo Toogtey Nin Miino U Aasayey,Qaar Kalena Gacanta Ku Dhigey

0

dagaal-27Muqdisho(AGGM) Ciidamada Xooga dalka soomaaliya ayaa maanta gacanta ku dhigey nin dhaawaca oo la sheegay inuu qayb ka ahaa kooxo miino aasaysay,waxaana sidoo kale la sheegaya inay dileen mid kale oo isu dayey inuu baxsado isla markaasna uu meeshii u ku geeriyooday iyadoo lagu dabo jiro kii baxdsay.

Goob jooge meesha ku sugnaa ayaa shaaciye in  nimankan dhalinyaradda miinada ay dhulka ku duugeen isla markaasna ay damceen inay ciidamo dawlada ka tirsan oo bas caasi ah watay,waxaana la sheegay in miinadu qaraxday markii ciidamadu dhaafeen taasi oo sababtey in ciidamadu gaari joojiyaan isla markaasna ay u suuro gashay inay arkaan kooxda miinada dhigtey oo cararaysa,waxaana la sheegay inay rasaas ku fureen midna dileen midna dhaawaceen uu midna baxsaday.

Midka dhaawaca ah ayaa la sheegaya inuu xaqiijiyey in ruuxa dhintey uu kula jiray weerarkaasi,waxaana uu sheegay inuu jiro mid kale oo baxsaday isla markaasna ciidamadu ku daba jiraan,waxaana la sheegaya in kan gacanta lagu hayo in lagu warejiyey ciidamada sirdoonka soomaaliya halkaasi su,aalo iyo daaweyn ay ku wadaan.

Ugu dambeyntii waxaa la sheegaya in ciidamadu ay dhawr ruux ka soo qabqabteen Xaafada Barwaaqo ee degmada Dayniile oo ah meeshu qaraxu ka dhacay,waxaana la sheegaya in qaraxaasi ahaa mid culus oo aan wax khasaare ahi ka soo gaarin ciidamada dawlada iyo dadka shacabka ah isla markaasna lagu guuleystey in gacanta lagu soo dhigo kooxdii weerarkaasi ka dambaysay.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-GUDDOOMIYAHA-LAANTA-BARWAAQO-MAXAMED-CABDULAAHI.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com