War Deg Deg Ah: Gen. Fartaag Iyo Col. Indhoraadeer Oo Goordhow Ka Badbaaday Isku Day Ay Ku Qaarajin Lahaayeen Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

0

Breaking-NewsKismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow isku day dil ay ka badbaadeen ka dib markii la xabadeeyay gaariga ay saarnaayeen Col. Yaasiin Nuur Gaas “Indhoraadeer” Iyo Gen. C/llaahi Sheekh Ismaaciil  “Fartaag” meel aan sidaa uga fogeeyn madaxtooyada magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in goobtaasi ay ku dhaawacmeen oo qura darawalki Gen. Fartaag oo la yiraahdo Guuleed Xasan Cade iyo mid ka mid ahaa ilaalada Col. Indhoraadeer oo la yiraahdo Daa’uud Beerxood oo sida la sheegayo isaga uu dhaawaciisu culus yahay.

Isku daygan fashilmay ee lagu qaarajin lahaa Gen. Fartaag Iyo Col. Indhoradeer ayaa waxaa fuliyay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni gaari tikniko ah oo ay leeyhiin oo uu leeyahay wiil uu dhalay taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo Col. Xasan Dhuub oo lagu magacaabo Guuleed Xasan Dhuub.

Dhinaca kale ma ay jiraan ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo dilalka qorsheesan ee ka dhacayay tan iyo mari ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni gudaha u soo galeen magaalada Kismaayo ayaa sida hadda muuqatana waxa uu marayaa “Ninki Qeyrki Loo Xiiroow Adna Soo Qooyso”.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com