Shirwac “Jurile Ayaa Ka Dambeeyey In Faroole Shirka Brussels Ku Fashilmo 2 UJeedo Ayuuna Ka Lahaa“

0

faroole_CaroLondon(AGGM)Xassan Shirwac oo ka mid ahaa xubnihii ka socday Jaaliyadda UK ee ka qeybgalay shirkii Bruxsell ee waddanka Biljamka, ayaa sheegay in siyaasiga C/raxmaan Jurille uu ahaa shaqsigii ka dambeeyey fashilkii shirka ka soo raacay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, kadib markii uu abaabulay in uu madasha shirka ka hadlo Faroole isaga oo aan ku jirin liiska dadka loogu talogalay in ay shirkaasi ka khudbeeyaan, wuxuuna tilmaamay in Juriile ujeedada uu ka lahaa in ay tahay in beesha caalamka uu tuso shaqsiyada dhabta ah ee Faroole, oo ah nin u dhaqmaya sida in Soomaaliya uu madaxweyne ka yahay.

“Shirku ma aanu aheyn shir ay Soomaali abaabushay, shirka waxaa ajandihiisa & cidda ka hadleysa soo diyaariyey EU, waxaa lagu soo daabacay shabakadda EU, wuxuuna ahaa shir horay loo sii ogaa dadkii ka hadli lahaa, Faroole wuxuu garan waayey in halkaasi aan boos uga bannaaneyn, C/risaaq Jurille oo ka shidaal qaadanayey baahida xoogan ee Faroole u qabay inuu shirka ka hadlo ayaa fursadaasi ka faaídeystay, ceebta meesha ka dhacdayna waxey aheyd markii odayga looga maaro waayey hadalka ayaa wixii kaamiro ahaa inta laga damiyey, saxaafaddana lagu wargeliyey in aysan maqal & muuqaal u duubi karin ayaa la yiri hadal, muuqaalka laga duubay ee website-yada la soo geliyey waxaa ka muuqata in taleefanka gacanta (mobile) laga duubay” ayuu yiri Shirwac, wuxuuna intaa ku daray in xubno ka tirsa shir guddoonka ay u sheegeen in Faroole si qasab ah loogu wargeliyey inuu dalka Biljamka ka baxo, taasina ay caddeyn u tahay isaga oo isla maalintii shirka dhammaaday baxay.

Shirwac wuxuu sheegay in Faroole uu doonayey inuu madaxweynaha u sii raaco dalka Talyaaniga, taasina ay u suurtageli weysay markii madaxweynuhu ka cudur-daartay.

“Wuxuu doonayey inuu soo dabo galo madaxweynaha oo uu Talyaaniga la yimaado, iskana dhigo in ay dowladda Talyaaniga casuuntay, waxaa si toos ah loogu yiri annaga kuma casuumin ee dhinac nooga bax, annaga madaxweynaha Soomaaliya ayaan casuunay, haddaan maamul goboleed casuumeyno madaxda maamulada oo dhan ayaan casuumeynaa, ayaa si toos ah loogu yiri” ayuu yiri Shirwac, wuxuuna intaa ku daray in madaxweynaha si aan horay loo arag loogu soo dhoweeyey dalka Talyaaniga, wuxuuna xusay in dowladda Talyaaniga aysan u kala harin soo dhoweyntasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com