Xujey Tiro Badan Oo Maanta Ka Ambabaxday Magaalada Muqdisho

0

xajMuqdisho(AGGM)Xujeydan maanta ka ambabaxay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada muqdisho ayaa ahayd  tiradii ugu horeysay oo gareysa 300 oo ruux waxayna ku sii jeedaan magaalada barakeysan ee Makka Al-mukarama,iyagoo qeyb ka ah malaayiin muslimiin ah oo  ka kala imaanaya dunida dacaladeeda si ay usoo gutaan wajibaatka  xajka.

Qaar ka mid ah xujeydii maanta nasiibka u yeeshay in ay  ka ambabaxaan magaalada muqdisho si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka ayaa ka hadlay dareenkooda,iyagoo u mahadceliyay Dowlada Soomaaliya iyo shirkada Jubba Airways oo hawsha u fududeeysay.

Cabdullaahi Maxamed oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Shirkada Jubba airways oo ah maanta qaaday xujeydii ugu horeysay ee soomaaliyeed ayaa sheegay in ay si lacag la,aan ah ku qaadeen  dhaqaatiir la soconeysa caafimaadka xujeyda iyo Culmaa’udiin wacyigelin u sameeysa Xujeyda.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Garsoorka Owqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya Sheekh Maxamed Aadan Qeyrow oo Maanta Sogootiyay Xujeydan ayaa kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan Fursadan qaaliga ah ee ay heleen isagoo xusay in dowlda Soomaaliya dadaal dheeri ah ku bixisay sidii Soomaalida ay u soo gudan lahaayeen Waajibaadka Xajka

Marka la gaaro xiliyada Xaja ayaa dalka Soomaaliya iyo dunida inteeda kalaba waxaa ka baxa Boqolaal xujeey ah oo doonaya in ay soo gutaan waajibaadka Xajka oo ka mid ah Shanta Tiir ee Islaamka iyadoo Maanta Magaalada Muqdisho ay ka ambabaxeen in ka badan 300 oo xujey ah oo ka kala yimid Gobollada dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com