War Dheeri Ah: Dad Muruq Maalato Ah Oo Ku Dhintay Kaawo Ku Soo Duntay Magaalada Muqdisho.

0

kaawo-6Muqdisho (AGGM): Sida ay xaqiijiyeen wariyeyaasha magaalada Muqdisho, ugu yaraan 13-qof ayaa ku dhintay markii maanta kaawo ku taala degmada Kaaran ee magaalada Muqdisho, kaawadan ayaa waxaa laga soo saarayay dhagxaanta guryaha lagu dhisto.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku xayirmeen goobta kaawada markii dhagxaan ay ku soo dageen.

Goobta oo ay gaareen baabuurta gurmadka iyo cagaf-cagfyo waxa adkaatay in la soo badbaadiyo dadka dhintay.

Markii dambe waxaa goobta yimid baabuur badan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kuwaasoo ku guuleestay in ay soo badbadiyaan afar qof oo ka mid ahaa dadkii ku hoos jiray goobta kaawada.

Dadka dhaawaca ayaa loo qaaday Isbitaalka Keesaneey, waxaana dadkii dhintay loo qaaday xaafadahooda.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dad ay ku dhinataan kaawa ku soo duntay, waxaana wax inta badan ka dhaca Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com