Madaxweyne Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud iyo Wafdigii uu hogaaminayay oo gaaray DC.

0

has2Washington DC (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay weheliyaan R/wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Fowziyo X. Yusuf Adam iyo Wasiirka Maaliyadda Maxamuud Xassan Suleyman, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Faarax Cabduqaadir iyo La Taliyeyaal khaas ah ayaa maanta soo cagadhigtay magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madax sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxa ay tahay muhiimaddiisa koowaad inuu kala xaajoodo kuna dhiiri gelyo sidii loo kordhin lahaa taageerada uu dalka Maraykanku ka siiyo Soomaaliya dhanka Difaaca, Amniga iyo Horumarinta sidii Nabad waarta looga dhalin lahaa guud ahaanba Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa wuxuu la kulmay Senator John McCain ee Arizona iyo Xildhibaano wuxuuna kala hadlay qaabka dowladda Maraykanaka ay Soomaliya uga saacidi laheyd dib u habeynta hey’adaha dowliga. Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka taagero dowladda Soomaaliya.

has

has2

has1

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com