Madaxweynaha Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd.

0

M-siilaanyo-000Hargeysa (AGGM): Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey ee xalay u dhaxay Gobolka Hawd Magaalo madaxdiisa Baligubadle ayaa saaka waxa uu kulamo la yeeshay Odayaasha, Dhaqanka Masuuliyiinta, iyo Qaybaha Bulshada ee Gobolka Hawd ayaa kulamadaasi ka dib waxa uu u soo dhaqaaqay madaxweynuhu dhanka Khayriyada oo ay madaxweynaha ku sugayeen kumanaan ka mid ah bulshada Reer Baligubadle oo halkaasi madaxweynaha si layaab leh ugu soo dhaweeyey isaga oo madaxweynuhu bulshada tirada badan ee isu soo baxay dhex-lugeeyey ilaa goobtii uu kahadlaayey oo ay taxnaayeen soo dhaweeyayaashii gobolku.

Madaxweynaha oo halkaasi kala hadlay bulshada qaybeheeda kala duwan waxa uu madaxweynuhu ka dib u dhaqaaqay goobo kala duwan oo qaarna xadhiga laga jaray kuwo kalena uu ku dhagax-dhigay sida Maxkamada Degmada oo uu madaxweynuhu dhagax-dhigay, Wasaarada Beeraha oo iyana uu madaxweynuhu dhagax dhigay qaybteeda Baligubadle loo dhisi doono, Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu dhagax-dhigay Dayr weyn oo lagu wareejin doono saldhiga Baligubadle, waxaanu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Kastamka Cashuuraha ee Gobolka hawd oo dhismihiisa markii ugu horay laga taago Baligubadle.

Intaasi ka dib Madaxweynuhu waxa uu u soo kicitimay Caasimada Somaliland oo uu mudoo 6 caano maal ah kaga maqnaa hawlo shaqo oo baad leh oo uu isugu soo maray 4 Gobol oo kala ah Saaxil, Togdheer, Daad-madheedh iyo Baligubadle oo ugu danbeeyey isaga oo madaxweynuhu ku maraayey goboladaasi baabuurtiisa khaaska ah ee madaxweynaha isaga iyo weftigiisuba halkaas oo uu maaxweynuhu ugu kuurgaleeyey baahiyaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin gobolada dalka qaar ka mid ah isaga oo madaxweynuhu goboladaasi ka soo fuliyey mashaariic aad u tiro badan oo ay u riyaaqeen dadweynaha ku dhaqan Somaliland iyo Goboladaasiba.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com