Dhageyso: Cirfo Oo Ka Hadlay Socdaal Uu Ku Maray Gobolka Galgaduud

0

cirfoCaabudwaqq(AGGM) Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Mudane  Xuseen Cali Weheliye ( Cirfo) oo dhawaanahan socdaalo indh0 indheyn ah ku marayey gobolka Galgaduud ayaa ka warbixiyey socdaalo uu dhawaanta ku soo maray guud ahaan inta badan gobolka Galgaduud,waxaana uu kaga hadlay wareysiigan waxyaalihi uu kula kulmay socdaalkiisa.

Mudane Cirfo waxaa uu sheegay inuu indhahiiisa ku soo arkay horumar balaaran oo ka jira degmooyinka iyo tuulooyinka Gobolka Galgaduud waxaa uu sheegay inuu soo arkay Qaybo badan oo ay ka mid yihiin sida waxbarashada, Ganacsiga Iyo Caafimaadka oo horumar balaaran ay ka sameeyeen bulshadu,waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in la soo horumariyo waxyaabahasi.

Cirfo waxaa uu daboolka ka qaaday in amaanka gobolka Galgaduud yahay mid wanaagsan oo laysku haleyn karro isla markaasna inta badan Gobolka Galgalgaduud gacanta ugu jiro Maamulka Gobolka Galgaduud,waxaana uu sheegay inay jiraan meelo qaar ay ku sugan yihiin kooxahaa Nabad diidka isla markaasna dhawaan laga saari doono.

Ugu dambeyntii tan iyo intii xilka Gudoomiyenimo loo magacaabay Mudane Xuseen Cali Weheliye waxa uu socdaalo ku soo maray inta badan gobolka Galgaduud isagoo kulamo muhiim ah la qaatey bulshooyinka ku dhaqan degmooyinkaasi,waxaana uu kala hadlay sidii amaanka gobolka wax badan layskaga kaashan laha.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/Waraysi-Gudoomiyaha-Gobolka-Galgaduud-Xusen-Cali-Whliye-Cirfo.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com