Qeybta 60-aad Ee Ciidamada XDS Oo Soo Gebagebeeyay Howlo Dib Loogu Habeynayay Ciidamada.

0

ciidamada-qalabka-sidaBaydhabo (AGGM): Taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in ay soo gebagebeeyeen, olole kor loogu qadaayay abaabulka iyo tababarada ciidamada Xoogga ee ku sugan gobolada Baay iyo Gedo.

Taliyaha qeybta Lixdanaad ee ciidamada XDS Gen. Ibraahin Yaroow oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta qaranka isagoo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in lagu guuleeystay oo la soo gebagebeeyay howlo dib u habeyn ah oo lagu waday ciidamada XDS oo iyagu ka tirsan taliska qeybta Lixdanaad oo ka howlgala Sadexda gobol ee kala ah Baay, Bakool iyo Gedo,

‘’Howshaasi waa lagu guuleystay maadama ay ciidamadu heleen dhaqaalihii looga baahnaa dowlada ka heleen sida saadka iyo mushaarka waana noo gebageboowday ururintii iyo isku dubaridkii ciidamada XDS’’ ayuu yiri Gen. Ibraahin Yaroow.

Dhinaca kale Generalka ayaa uga mahadceliyay shacabka ku nool Sadexda gobol ee Baay Bakool iyo Gedo  sida hufan oo ay usoo dhaweeyeen ciidamada XDS islamarkaana ay ula shaqeeyeen,  isagoo ku amaanay madaxda sare ee dalka sida wanaagsan oo ay u hirgeliyeen codsiyadii ay u direen oo la xiriiray baahida ciidanka.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dib u dhis guud oo ay dowlada Federaalku ku waddo ciidamada qalabka sida oo ay ugu horeeyaan ciidamada XDS taasoo haddi ay hirgesho dalkeenu uu noqondoono meel ka caaggan argagixisada shabaab iyo alqaacidda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com