Wararki Ugu Dambeeyay Xalay Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

Breaking-NewsKismaayo (AGGM):  Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay magaaladaasi ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni kala baxeen guryahooda laba nin.

Warkan ayaa intaas waxa uu ku darayaa in labadaasi nin ay ka soo jeedeen beesha Sade islamarkaana ay ahaayeen niman dhalinyaro ah oo magaaladaasi daganaa, ilaa hadda waxaan la ogeen halka ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni la aadeen Raggaas.

Dhinaca kale waxaa buux dhaafiyay xabsiyada sida gaarka ay u sameeysteen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni magaalada Kismaayo dadka aan ku heeybta ahayn maleeshiyada beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo tacadiyada ka socda magaalada Kismaayo ayaa  waxaa si toos ah loo geesanayaa oo qura cid kasta oo aan ku heeyb ahayn maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com