Soomaalida Ka Shaqeysta Koonfur Afrika Oo Godkooda Biyo Ugu Galeen

0

Stp-konfur-africaJohansburg(AGGM)Ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Koofur Afrika oo qasaarihii ugu xooganaa uu ka soo gaaray rabshadihii dhawaan ka dhacay dalkaasi ayaa dib ugu soo laabanaya magaalooyinka.

Rabshadihii dhawaan ka dhacay dalka Koofur Afrika ayaa waxaa qasaarihii ugu xooganaa ka soo gaaray Soomaalida ganacsiga ku leh tuulooyinka hoos yimaada magaalada Port Elesivet,kadib markii la boobay in ka badan 500 oo dukaan oo Soomaalidu ku lahaayeen tuulooyinkaasi.

Ganacsatada ayaa bilaabay iney dib ugu soo laabtaan magaalada Port Elisevet kadib markii ay u adkeysan waayeen dilalka iyo boobka joogtada ah ee lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah ganacsatada ayeey u suurtagashay iney hantidooda kala soo cararaan deegaanadaasi, kadib markii ciidamada Booliisku ay ku saacideen iney hantidooda la baxaan intii uu socday ololaha lagu boobayo Soomaalida,  halka ganacsato badana aysan waxba u badbaadin oo la boobay hantidoodii islamarkaana ay naftooda kala soo carareen.

In ka badan Kun Dhalinyaro ah oo ka shaqeyneysay dukaamankaasi la boobay ayaa soo gaaray magaalada Cos oo ah halka ay Soomaalidu ku badantahay kuwaas oo qaarkood ay seexanayeen waddooyinka halka qaar kalena ay nasiib u heleen iney seexdaan Masaajida Soomaalidu maamusho.

Arintan ayaa qeyb ka ah dhibaatada Soomaalida ku heysata dalka Koofur Africa,  iyado maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordheyso tirada Soomaalida lagu dilo dalkaasi iyo kuwa hantidooda lagu boobo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com