Falaagada Al Shabaab Oo Sheegay Inay Lacago Been Abuur Ah Ku Qabateen Deegaaka Buulo Mareer.

0

Shabaab-afduub1Muqdisho (AGGM): Falaagada Al Shabaab ee deegaanka Buula Mareer ayaa sheegay in gacanta ku dhigeen Lacago Falsa ah oo la doonayay in si dhuumaalaysiya loo galiyo deegaanka sida uu sheegay Wakiilka Alshbaaab ee degaaanka Buulo Mareer.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalle Wakiilka Alshabaab ee Buulo Mareer ayaa u sheegay warbaahinta in gacanta ku dhigeen lacago falsa ah iyo ruux watay kaas oo lagu hayo saldhiga Buulo Mareer ee Gobalka Sh/Hoose.

Waxa uu sheegay wakiilkaan in ay sharciga horgayn doonaan maadaama ayuu yiri doonayay in uu dadka deegaanka u horseedo dhibaato iyo sicir barar ku yimaada maciishadaha suuqa Buulo Mareer.

Maamulka Alshabaab ayaa uga digay ganacsatada deegaanadaa in lacago been abuur ah la soo galin deegaanka waxa ayna sheegeen in tilaabo sharciya laga qaadi doono cidii lagu arko.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com