Dhageyso: Col. Maxamed Buule”Ciidamada Kenya iyo Kuwa Axmed Madoobe Waxay Sii Xoojiyeen Dhibaatada Shacabka Wixii Ka Danbeeyay Shirarkii… ”

0

top-Boqasho-newsMuqdisho(AGGM) Col Maxamed Buule oo ka mid ah saraakisha ciidamada Maamulka Col Bare Aadan Shire ayaa ka hadlay arrimo badan oo u horeyya dhibaatada ciidamada Kiiniya iyo Jabbhadda Raaskamboni ka geysanayaan Magaalada Kismaayo,waxaana uu sheegay inay sii laba jibaareen Dhibaatada ay shacabka Magaalada Kismaayo ku hayaan kooxdaasi.

Col Maxamed Buule ayaa ugu horeyn sheegay iyaga iyo Madaxweyne Bare Hiiraale inay qaadaceen wixii ka soo baxay Shirkii ka dhacay Brussles ee uu ka qeybgalay Axmed Madoobe. Waxaana ay shirkaasi ku tilmaameen inuu yahay mid aan umadda soomaaliyeed waxba u soo kordhin doonin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shirkii Addis Ababa uu ahaa mid aan dani ugu jirin shacabka Goboladda Jubooyinka Iyo Gedo,waxaana uu sheegay in shirkaasi uu ahaa shirqool shacabka soomaaliyeed gacanta lagu doonayo in loogu galiyo kooxo aan u naxeyn isla markaasna ka yimid degaano kale.

Waxaa kale oo uu sheegay in Magaalada Kismaayo ay ka taagan yihiin dhibaato xoogan oo ay geysanayaan Kooxda Raaskambooni,waxaana uu sheegay in maalin iyo habeen Magaalada Kismaayo lagu dilo dad shacab ah oo aan waxba galabasan,waxaana uu sheegay inay sidoo kale xabsiyo qarsoodi ah ku jiraan dad shacab ahi.

Ugu dambeyntii waxaa uu Col Buule sheegay in dhawaan Magaalada Kismaayo ay gudaha u geli doonaan isla markaasna ka sifeyn doonaan maleeshiyaadka Raaskambooni oo uu ku tilmaamay in laga soo aruuriyey degaanada Kilinka 5-aad iyo Gaarisa Gubaay,waxaana uu sheegay inay Kismaayo ka hirgaliyaan dhaqamadii ay ka soo barteen gumeystayaasha ilaa iyo hadda gumeysta.

[ca_audio url=”http://radioalfurqaan.com/wp-content/uploads/2013/09/Korneel-Maxamed-Buule.lite_.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com