Musevani Oo Sheegay Inuu Soomaaliya U Dirayo 2,900 Oo Askari Kuna Biiraya Amisom

0

With-President-Musevani-of-Uganda.Kampala(AGGM) Xukuamadda Wadanka Uganda ayaa daaha ka qaaday inay wadanka Soomaaliya u direyso cutub ka tirsan ciidamadeeda lugta,Waxaana warkaasi laga soo xigtey Xafiiska madaxweynaha Wadanka Uganda, iyadoo la sheegay in ciidamadaas uu tababar mudo u socday u soo dhamaaday.

Guutadan oo lagu wado inay Soomaaliya gaaraan dhawaan ayaa la sheegaya inuu hogaamin doono Sarkaalka lagu magacaabo Brigadier Dick Olum.Ciidamada Cusub ee Uganda u soo dirayso Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay gaarayan illaa 2,900 oo Askari kuwaas oo ku biiri doona Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee Amisom Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa xilli uu khudbad ka jeedinayay Meesha loo yaqaano Singo oo tababar soconayay Mudo Sadex Bil ah loogu soo gabagabeeyay Guuto Cusub oo ciidamada Uganda u soo dirayso Soomaaliya ayaa waxa uu kula dardaarmay Ciidamadaan Cusub ee Soomaaliya loo dirayo  in ay la hadlaan Akhlaaq wanaagsan isagoona sheegay in ay Matalayaan dowlada Uganda iyo waliba Ciidamada Qaranka Uganda sidaa daraadeedna looga baahanyahay in Bulshada Soomaaliyeed  ay kula dhaqmaan Anshax Wanaagsan.

Sidoo kale Mudane Musevaniw axaa uu shaaciyey inuusan u dul qaadan doonin askari wadanka Uganda u dhashay oo ashax xumo lagu soo eedeyo,waxaana uu sheegay in loo baahan yahay inay ku dhaqmaan Anshax wanaag iyo Maamul wanaag,waxaana uu sheegay in shaqadoodu tahay Nabad ilaalin.

Ugu dambeyntii dawlada Uganda ayaa ah dawlada ugu ciidamada badan dawladaha kale ee ciidamada u soo direy wadanka Soomaaliya,waxaana ciidamadani qayb ka noqon doonaan ciidamada Amisom ee hawlgalada la dagaalanka Alshabaab ka wada gudaha dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com